Hargeysa (ANN) Xukuumadda Somaliland ayaa gaashaanka ku dhufutay  qodobo ka mid ah heshiis nabadeed ay maalintii shalay wada gaadheen  qaar ka mid ah saladiinta Togdheer iyo deegaanka Buuhoodle, kaas oo qodob ka mid ahi khuseeyay ciidanka qaranka somaliland ee ku sugan jiidaa. Balse xukuumadu waxay soo dhowaysay heshiiska intiisa kale. Sida uu sheegay Afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo maanta shir jaraa’id ku qabtay qasriga madaxtooyadda, isagoo yidhi, “xukuumadu waxay soo  dhaweynaysaa qaar ka mid qodobada nabadgelyada ee ay labada dhinac wada gaadheen,

balse wuxuu si cad u sheegay inaanay farogelin karin arrimaha ciidamada qaranka oo ah mid u taalla xukuumadda Somaliland.

wuxuuna Afhayeenku ku bilaabay hadalkiisa sidan:” Waxa jira shir ay dhawaan madaxdhaqameedka Burco iyo Buuhoodle ay deegaankooda kaga hadleen arrimmo nabadgelyo, waxaanay isku afgarteen qodobo caawinaya nabadgelyada deegaankaas, waxaanay ku soo qaadeen qodob ciidanka qaranka oo sida muuqata aanay xaq u lahayn inay ku darsadaaan ajandahooda, xukuumadda Somaliland oo u taagan nabadgelyada waxay soo dhawanaysaa dhaq dhaqaaq kasta oo nabadgelyada lagu xoojinayo, xukuumadu waxay si cad u sheegaysaa arrimaha ciidmamadu inaanay ahayn mid laba kooxood, ama laba shakhsi ay ka talin karaan ee u taala xukuumadda Somaliland.” Ayuu yidhi Cukuse.
Wuxuuna xusay inay xukuumadu taageerayso dhaqdhaqaaq kasta oo lagu raadinayo nabadgelyo, isagoo yidhi, “Xukuumadu waxay mabda’iyan taageersantahay dhaqdhaqaaq kasta oo u adeegaya nabadgelyada iyo madaxdhaqameedka oo ay u hayso isxtiraam, waxay xukuumadu si cad u sheegaysaa in arrinta ciidanku tahay mid ay iyadu leedahay oo wasaaradda gaashaandhiga iyo arrimaha debeda ee aanay ahayn mid uu taalla.” By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Hargeysa Office  
E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com/ shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *