images/stories/malayshiyada buuraha ku jirta ee atta.jpg   Boosaaso (ANN)“Hore waa kuwiii Ciidanka Puntland weerar ugu soo qaaday, Kadibna waxay u bexeen deegaanka oo Buuraley ah. Sida  Karin, Laag Balikhadar Sugure dhawr iyo toban maalmood ayaa halkaa laysku hor fadhiyay, maanta ayaa Ciidankayagu weerary, waxaana   laga qabsaday Dhadhaab iyo Bali Khadar.  laakiin dagaalkii wuu socdaa, meelo badan ayaa laga saaray waanu lagu daba jiraa kooxdaa,

xoogay dhaawac ah iyo dhimasho laba qof ah ayaa soo gaadhay dhinacayaga, Argagixisada 15 ayaanu ka dilany,  dhawaac maanu arag cidna kamaanu qaban”.  Sidaa waxa yidhi Wasiirka Amniga Puntland Yuusuf Axmed oo waraysi siiyay Idaacada BBc-da qaybteeda Afka Soomaaliga.
Wasiirku waxa uu sheegay inay diyaar u yihiin inay wada hadal la galaan kooxdaa oo aanay ka daalayn. Dhinaca kale  C/laahi Axmed Faarax  oo u hadlay Malayshiyada uu hogaaminayo  Sh. Maxamed Siciid Attam ayaa isna dhinacooda sheegtay guulo ay ka gaadheen dagaalka saaka ka bilaabmay duleedka magaalada Boosaaso, wuxuunaa waraysi uu siiyay idaacada BBC-da Afka Soomaaliga ah.
“ Dagaalka iyagaa bilaabay horena maaulkii Cade Muuse ayaa u waday hadana Maamulka faroole ayaa dib u bilaabay, Afar gaadhi ayaanu ka gubnay, midna waa ka qabsanay, 40 ciidamada deegaanka oo iyaga la socdayna way kasoo goosteen oo isa soo dhiibeen. Dhinacayaga dhaawac fudud ayaa jira.” Ayuu yidhi sarkaalka u hadlay malayshiyada Attam, wuxuuna intaa ku daray inay maamulka Puntland diideen waan waan iyo wada hadal in lagu dhameeyo arrintaa.
Ma jiraan warar madax banaan oo ku saabsan khasaaraha dagaalka ee dhabta ah, marka laga yimaado sheegashada labada dhinac ee guusha,    warar xog ogaal ah ayaa sheegaya in dagaalkii maanta uu joogsadey shantii makhribnimo,  isla markaana uu dhacay dagaal kale saacad kadib,  kaas oo ilaa iyo gabal dhicii habeenimo socday. Sidoo kale wararka qaar ayaa sheegaya in  dhaawacyada la keeney magaalada Boosaaso ay kor u dhaafayaan ilaa 70 qof,   iyadoo gurmadka ciidamada Puntland  iyo malayshiyo Beeleed taageeraya ciidamadu kusii jeedo deegaankaa, kuwaas oo kala baxay Garoowe, Gaalkacyo, iyo Qardho, kadib markii uu madaxweynaha  Puntland ku dhawaaqay todobaadkii hore  inay  shacbaka Puntland  hubkooda qaataan, si ay isaga difaacaan kooxda Atta moo ugu yeedhay inay yihiin argagixiso.
Sidoo kale Malayshiyada Maxamed Attam ayaa dhinacooda sugaya gurmad deegaankaa iyo meelo kale kaga soo foole, iyadoo ay jiraan tibaaxo ay shebekada Araweelonews heshay oo sheegaya inay kooxda Sheekh Attam gurmad ka sugayaan magaalooyinka laascaanood, Buuhoodle, Togdheer,  Sanaag iyo dhinaca gobolada dhexe. 
Dagaalka ayaa sababay in xaalada magaalada Boosaaso si weyn isu bedesho, iyadoo gebi ahaanba la xayiray gaadiidka ka baxa magaalada, maadaama aaga dagaalku ka socdaa yahay duleedka magaalada, iyadoo wadada isku xidha Boosaaso iyo Garoowe ay, isla markaana waxay wararku sheegayaan in goobo badan oo ka mid ah ganacsiga albaabada loo laabay, iyadoo ay jiraan dad ka qaxaya magaalada, kuwaas oo ka cabsi qaba in dagaalku kusoo fido gudaha magaalada.
 By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Hargeysa Office  
E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com/ shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *