Hargeysa (ANN) Boqor Cismaan Aw Maxamud Buurmadow ayaa ku eedeeyey Salaadiinta ka qayb gashay shirkii ka dhacay tuulada Xadhaadhanka ee ka tirsan degmada Buuhoodle in ay yihiin niman aad uga soo hojeeda Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland. Sidoo kale waxa uu Boqor Buurmadaw sheegey in aanay ogayn shirkaas oo aanay kula socon labadaa Suldaan, waxaanu ka digay cawaaqib xumada ka dhalan karta hadii aan arintaas laga hortagin.

Sidoo kale wuxu Madaxwayne Siilaanyo ugu baaqay in uu ka hadlo oo uu ka jawaabo hadalka ka soo yeedhay Madax dhaqameedyada ku shiray deegaanka Buuhoodle. Boqor Cismaan waxa sidaasi ku sheegay wareysi khaas ah oo uu xalay siiyay wargeyska Haatuf, wuxuuna isagoo ka hadlaya aragtidiisa hadalka salaadiinta iyo baaqooda yidhi, hadaladiisa ka mid ahaa “Shirkaas Idaacada ayaynu ka maqalnaye maaha mid sharciya oo jira, markaanu u kuurgalnay maaha shir Salaadiinta Somaliland iyo kuwa Burco-ba ay ka warhayaan, waan shir sifo khaldan u dhacay natiijo xunina ka soo baxday”
S:Waxa lagu soo waramayaa in weerar lagu soo qaaday odayaashii ku shirayey tuulada Xadhadhanka, maxaad kala socotaa arrintaas?
J: Odayaashu si khaldan haday u socdaan natiijo xun waa waxa ay ugu talagaleen, Suldaankii guud ee beesha bariga Burco  Suldaan C/laahi Suldaan Cali, Boqor Maxamud Cali Carab, Aniga (Boqor Buurmadow) iyo Salaadiinta kale ee Burco  wax Alla waxay ka ogyihiin ma jirto, labada  wadaad  ee tagay deegaankaas arrinkay halkaas u tageen runtii waa arrin Somaliland ceeb ku ah, waa taad maqleyseen maanta idaacada in ay yidhaahdeen madaxwaynaha ayaanu u tagney oo nala og, madaxwaynuhuna waxa uu sheegay in aanu la ogayn, waxa kaliya ee ay ku saleeyeen maaha beesha bariga Burco ayaa nala og, arrinkani waa arrin qaran, oo qaranka ayuu u yaalaa wixii meel ka dhac ah oo hanaanka dawladnimo ayuu meel ka dhac ku yahay oo ciidamada qaranka ayuu meel ka dhac ku yahay, markii aanu aragney in arin khaldani socdo salaadiintu waxay u tagtey Madaxwaynaha, madaxwaynuhuna waxa uu sheegay in aanu arrinkaas waxba ka ogayn, waxa ayaan daro ah in ay maantana hadana dib ugu celiyeen in madaxwaynuhu arrinka la ogyahay labadii dhinacba ay ku dhawaaqeen, arrinkaasina waa arrin aan hab beeleed lagu gali karin in si qaran loo galo mooyaane, waana arrin u yaala ummada reer Somaliland oo dhan, arrinkaasina waa mid in laga hortago u baahan. Labadan sheekh hadaanay wado khaldan ku socon cidini rasaas lamay dhacdeen.
S:Waxa la sheegayaa in odayadii deegaanka Buuhoodle ku shirayay xukuumada ay  ugu baaqeen inay ciidamada kala baxdo deegaankaas sideed u aragtaa?
J:Waxay sheegeen inay xukuumadu la socoto, Madaxwaynaha cusub maanta hagardaamo uma baahna, Salaadiin ahaan anagu waxaanu sugaynaa madaxwaynuhu sida uu arrinkaas uga hadlo oo uu arinkaas beeniyo, hadii uu beenin waayo waxaan arkaa dhibaato uu madaxwaynuhu isku soo kordhiyey, waxaa noo muuqanaysa markaa halkii uu Madaxwaynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale dalka gaadhsiiyey oo xadadkii uu gaadhay la soo ururinayo, anagoo jecel in xukuumada aan la hagardaamayn oo go’aankii salaadiintuna uu hadhsan yahay waxaynu dhawraynaa sida ay xukuumadu uga hadasho, waayo waa arrin qaranimada dhaawac soo gaadhsiinaya, waanan soo dhawaynayaa baaqii madaxwaynaha ee gogasha nabada.
Marna ma taageerayno xukuumad xadadkayaga aan noo sugayn oo waanu ka soo horjeednaa, hadii ay dhacdo in xukuumadu xadka ka soo qaado ciidamada oo ay hadalka nimankaas maqashana waanu ka soo horjeedsanaynaa mana yeelayno. Nimankan Salaadiinta ahina ma matalaan Dhulbahante, mana banaana in la cabudhiyo Dhulbantihii Somaliland ogolaa oo kuwo dibad galeen ah mihiimada la siiyo, waxaana qurux badan in kuwa Somaliland taageersan wasiiro laga qaato xukuumada cusubina arinkaas waa in ay dagdag uga hadasho oo ay isbaraxdo, walaalahayga deegaankaas dagaalka ka wada waanu soo dhawynaynaa hadii ay faraha kala baxayaan dagaalka.
Labadan Suldaan ee Burco ka tagay markii horeba anagu isku qadiyad maanu ahayn oo halgankii SNM loogalayna way ka soo horjeedeen oo may aaminsanayn halgankaas, laga soo bilaabo dawladii (AHN) Marxuum Cigaal ilaa taa maanta way ka soo horjeedeen oo fikrad kale ayey ka aaminsanaaayeen qadiyadeena waa mid ay aad uga soo horjeedeen, barigii dhawayd ee Maxaakiimtu Koonfurta haysatey waa nimankii yidhi Burco ayaanu ku soo dhawaynaynaa Maxaakiimta, labadan Suldaan waa niman aanu qaranimada ka ilaalinayno.
S: Xukuumadda Axmed Siilaanyo siddee baad odhan lahayd ha u abaarto maleeshiyo beeleedka SSC ee Somaliland diidka ah?
J: Horta marka ugu horaysa Somaliland oo qudha nimankaasi falaago kama ahee Dhulbahante oo dhan ayey falaago ka yihiin, oo Garaadadii reerka ayey falaago ka yihiine ha u soo noqdeen Dhulbahante, waxaan ugu baaqayaa in ay ugu horayn Garaadada Dhulbahante iyo Somaliland iyo dadkooda u soo noqdaan, xukuumada waxaanu diyaar u nahay in aanu talo iyo tusaale iyo wax kasta oo ay nooga baahato aanu diyaar ula nahay, markaanu aragno in xukuumadu talo diyaar u tahay ee aanay laba suldaan oo aanaan qadiyada Somaliland ba heshiis ku nahay aanay la socon ayaanu talada ay xukuumadu u baahantahay siinaynaa, talo aan nalaga qaadanayna ma bixinayno, hadii labadii nin ee Somaliland ka soo horjeeday ee bariga dhaw Burco laabta ugu garaacayey Maxaakiimta hadii ay maanta markay arkeen Siilaanyo oo Madaxwayne ah ay madaxtooyada ku soo yaacaan anigu arintaas waanu ka soo horjeednaa, arintaasina hadii  aan wax laga qaban waxay dhaawac u keenaysaa xidhiidhka inaga dhexeeya deeqbixiyayaasha iyo bulshada caalamkaba.
S: Maxaad ugu baaqi lahayd ummada reer Somaliland?
J: Waxaan ummada reer Somaliland ugu baaqayaa in ay ilaashadaan nabadooda, xasiloonida iyo xuduudahooda, waxaanan u cadaynayaa shacbiga Somaliland in aanan ogolayn Madaxdhaqameedyo ahaan, mana aha arrin ay beeli wadato waananu canbaaraynayno talaabadaa ay qaadeen labada Suldaan.
S: Dhawaan waxa saxaafada lagu baahiyey hadal kaa soo yeeshay oo ahaa, xukuumadda cusub ee uu  magacaabay Madaxwayne Siilaanyo kamaan nixin kumana farxin, hadalkaa ma noo fasiri kartaa waxaad uga jeeday ama micnaha ku dhexjira?
J:Hadalkaas ma jecli in aan maanta tafaasiil ka bixiyo, mana jecli in eraygaa hore iiga soo baxay aan fasiro,  laakiin waxaan kuu sheegay in aan jecelnahay in xukuumada aanu la shaqayno oo aanu taageero la garab istaagno waxna u sheegno, hadii ay wado khaldan martona waanu ka hadlaynaa oo ka aamusi mayno.
S: Maxaad u soo jeedin lahayd xukuumada cusub ee ee madaxwayne Axmed Siilaanyo?
J: Waxaan madaxwaynaha u soo jeedinayaa kana codsanayaa si ay dawladan cusub ay u jaanqaado oo ay u noqoto mid hana qaada oo bulshada caalamku ku soo hirtaan, in talada Madaxtooyada dadka ku dhaw dhaw ay noqdaan dad hufan oo Somaliland-nimadu dhab ka tahay oo aqoon leh, waxaanan ka digayaa in ay aanay Madaxtooyadu dhufays u noqon dad Somaliland u cadaw ah oo aan qadiyada Somaliland aaminsanayn, waxaanan mar labaad soo jeedinayaa waa in madaxda cusub ee qaranku ay ka taxadirtaa in ay talo ka qaataan dad cid gaar ah u adeegaya oo dano kale wata.
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Hargeysa Office  
E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com/ shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *