“Mushkiladu waa ganacsatadeenii oo cuqdad ku dhacday.. Ganacsatada dhexena…”

Hargeysa(ANN)-Xukuumada Somaliland ayaa markii ugu horeysay shaacisay inay talaabo ka qaadi doonaan ganacsadihii lagu arko inuu cidhiidhi gelinayo nolosha shacabka Somaliland.

 

Agaasimaha waaxda Ganacsiga ee wasaarada Ganacsiga iyo Dalxiiska Aadan Cilmi Axmed ayaa sheegay in xukuumadu soo dhoweynayso ganacsatada, laakiin la marin doono sharciga sida Qodobka 14aad ee dastuurku dhigayo ganacsadihii ku sifooba sicir barar.

Agaasimaha oo wareysi khaas ah oo uu kaga hadlayey mushkiladaha sicir-bararka iyo qorshayaasha ay ku joojinaan ku siiyey xafiiskiisa wargeyska Ogaal iyo Shabakada Araweelonews, waxuu sheegay in xukuumad ahaan ay wadaan daraasad balaadhan oo lagu dersayo sababaha keenay dhowaana xalkeeda gaadhi doonaan.

Agaasimaha oo ugu horeyn ka jawaabayey sababaha keenay sicir bararka ayaa sheegay in saddex xaaladood oo mid baahideena ah mid gudaha iyo mid dibedda ah ay keeneen, “Haddii aynu wax lasoo bixi lahayn kama aynu  cabaneen sixir barar iyo waxbaa kordhay, waad ogtihiin qalalaasaha aduunka ka taagan, duufaanada  iyo baahi kordhaysa iyo budhcad-badeedo.  Dhowaan waxaanu samaynay daraasad wasaarad ahaan, waxaanu ogaanay in dalal baddan oo wax soo saar lahaa oo ganacsigeenu ku xidhnaa iyagii u baahday wixii ay debeda u iibgeyn lahaayeen.”

“Wadankeenu wuxuu noqday halkii aynu lacagteena ka ilaalin lahayn inaynu ilaalino lacagta dollarka, dhaqaallaha dalkuna wuxuu ku xidhan yahay lacagta debeda laga soo diro, tusaale ahaan qifkii loosoo dirayay $ 100  waxa ka go’ay $ 20 dollar oo ka maqan. Dadka qaar ayaa ku dooda dollarka oo maanta maraya $ 1, sarifka lacagta Somaliland  5000 Sh, ha lagu celiyo 6000 s/lnd sh. Sidii uu markii hore ahaa. Laakiin haddii  halkisii lagu celiyo  waxa imanaya mushkilad kale oo ganacsatadu way kordhinayaan maceeshada, taasina macquul maaha ayuu yidhi.”

“Mushkilada inagu dhacday waxa weeye ganacsatadeenii cuqdad ayaa ku dhacday, shakiga galay waxa weeye, dolarku hadduu  kaco shaki ayaa ku jira, dhinaca kalena shakigaa ayaa kaga jira. Markaa labadii dhinacba wuxuu ka samaynayaa ka hor deg, isagoo ka cabsi qaba inay lacagta Somaliland awoodeeda ama qiimeheedu lumo, tusaale ahaan hada lacagta shilinka Somaliland qiime iyo awood ayuu yeeshay, dhinicii kalena wuxuu ka baqayaa dolarkii.”

Agaasimaha oo la weydiiyey in arrintan loo baahnaa inay wax ka qabtaan, markaa miyaanay muuqan inaad ka gaabiseen inaad ganacsatada u sheegtaan xaqiiqda ilaa arrintu way taagantahaye, waxuu ku jawaabay, “Dhuxushii , Caanihii  iyo waxyaabihii kale waxba iskama bedelin, markaa wax meel kale inagaga yimi maaha sixir bararku ee waa mushkilad aynu inagu abuuranayno.   Wasaaradd ahaan  Ganacsatada waxaan leenahay haddii dadku bakhtiyo baayacmushtar ma jirayo, Laakiin waxaan is leenahay qaybta ganacsatada dhexe waxbaa ka khaldan waxaanu samaynay daraasad kuwa waxsoo dejiya markaanu araganay, waxa noo muuqatay in farqa ay  iyagu  wax saaraan mid macquul ah yahay.  Laakiin qolada dhexe  inay  badeecaduhu ugu qiimaysan yihiin qiimihii hore ee dolarka $ 6,500, markaa waxaanu leenahay waar ganacsatada dhexe cashuurta aad bixisaana dadka ayay saarantahay   ee cashuurta bixiya oo markay wax inoo kordhaan dadkana haw kordhaan ee maaha inaad dadka culayska saartaan.”

Agaasimaha oo la weydiiyey ma laga yaabaa inay ganacsatadeenu khalad ka fahantahay ganacsiga xorta ah oo nin walba wuxuu doono wax ku iibiyo oo ay meesha ka maqan tahay in la  kaantaroolo si aan dhaqaallaha wadanku fowdo u gelin aya sheegay, “Xukuumaddu hada waxay gacanta ku haysaa talooyin  baddan oo daraasad lagu wadaa oo la doonayo in arrintaa wax lagaga qabto, gudiyo ayaa la abuuray oo waxay u baahantahay in talo qaran laga yeesho. Wasaaradda ganacsiguna  gudidaa ayay qayb ka tahay, oo ay kula jiraan Rugta ganacsiga, ganacsatada, wasaaradda Maaliyada. Qofkii ganacsato ah ee lagu ogaado inuu cidhiidhi gelinayo nolosha shacabka oo sicir barar samaynayo waxa lala tiigsan doonaa sharciga sida qodobka 14aad ee dastuurka dalku sheegayo.”

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *