Ceergaabo(ANN)Ciidanka Ilaalada Xeebaha ee gobolka Sanaag, ayaa galabta gacanta ku dhigay  lix nin oo budhcad badeed ah, kuwaas oo qayb ka ah kooxaha ka ugaadhsada gaadiidka Badda xeebaha gacanka cadmeed iyo biyaha badweynta India sidaana waxa  uu shaaca ka qaaday

Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha ee gobolka Sanaag Maxamed Yuusuf Otor.
Taliyaha ciidanka Ilaalada xeebaha Somaliland ee gobolka Sanaag waxa uu sheegay inay lixdaa Nin ka qabteen . duleedka xeebaha Xiis iyo Maydh  meesha lagu magcaabo Buurta Rabshiga oo 30KM dhinaca Bari ka xigta Magaalada  Maydh, taas oo ah Buur ku taal bada dhexdeeda oo caan ku ah inay  shinbiro ka yimaada dacalada aduunku usoo xaggaa baxaan, isla markaana gaadiidka bada ee doonyaha iyo laashashka kaluumaysatdu ka galaan dabaylaha xiliga dabaysha.
“Lixdan nin ee budhcad badeedka ah oo u dhashay maamul goboleedka Puntland waxaanu ku qabanay galabta abbaaro 4:00 galabnimo Biyaha Rabshiga oo 30Km dhinaca bari kaga beegan magaalada Maydh,”ayuu yidhi Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha ee gobolka Sanaag.
Taliyuhu waxa kale  oo uu sheegay in lixdan nin ee budhcad badeedka ahi ay ku qabteen dooni dheeraysa oo ah nooca ay ku eryadaan maraakiibta iyagoo qorshaynayay inay hawlgal afduub sameeyaan.
“Nimankan waxa watay ninka la yidhaahdo  Cumar Cabdilaahi Cabdi, oo aanu muddooyinkan oo dhan magaciisa haynay, waxa nala soo socod siiyay oo biyahooda ka soo eryay Ciidanka Xeebaha ee dalka Yeman oo aanu wada shaqayn leenahay,”ayuu yidhi Maxamed Yuusuf Otor oo u waramayay Waraabintu.
Taliyuhu wuxuu ammaanay ciidanka ilaalada xeebaha gobolka Sanaag ee hawl galka budhcadaasi lagu soo qabtay fuliyay waxaanu sheegay in nimankan oo ku xidhan saldhiga degmada Maydh la horgeyn doono maxkamadda.
Ciidammada ilaalada xeebaha Somaliland ayaa marar baddan  gacanta ku dhigay  kooxaha budhcad badeeda waxaana jiray illaa shan kooxood oo hore oo lagu qabtay biyaha Somaliland isla markaana lagu maxkamadeeyay dalka, kuwaas oo hada ku xidhan xabsiyada dalka.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *