iBerbera(ANN)Wasiirka wasaaradda Beeraha Somaliland Faarax Cilmi Geeddoole ayaa maanta  wax lagu guulaystay ku tilmaamay mashruuca tijaabada ah ee beerista Bariiska, kadib markii maanta  ay soo go’een midhihii u horeeyay ee bariiska laga beeray deegaanka Biyo-guure oo 13 km dhinaca bari

 

kaga beegan maagaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil.

Wasiirka oo socdaal hawleed ku tagay deegaanka Biyo-guure  waxa uu sheegay in mashruucan oo ay dalka oo dhan ku tijaabiyeen ay ka soo baxeen natiijooyin wanaagsan oo la xidhiidha in bariisku ku beermi karo caradda Somaliland.

Mudane Geeddoole waxa uu u mahad celiyay beeralayda deegaanka Biyo-guure ee beerahooda uu ka soo go’ay dalaga bariiskan tijaabada ah. Wasiirku waxa uu intaas ku daray in wasaaraddiisu ay awoodda saarayso sidii ay kor ugu qaadi lahayd xirfadda beeralayda si kor loogu qaado wax soo saarka tacabka beeraha.

Sidoo kale Maayarka magaalada Berbera Cabdalla Maxamed Carab ayaa soo dhaweeyay Bariis beerista tijaabada ah ee ka baxay deegaanka Biyo-guure ee gobollka Saaxil, waxaanu u mahadnaqay wasaaradda beeraha iyo beeralayda wadaniga ah ee iska kaashaday arrinta.

Waxa hore loogu tijaabiyay mashruucan bariis beerista ee wasaaradda beeruhu hindistay deegaanka Qabri Baxar ee degmada Baki ee gobolka Awdal.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *