Hargeysa(ANN) xubno sheegay inay ka mid yihiin dadka khibrada iyo aqoonta u leh Badda ee Somaliland ayaa sheegay in loo baahan yahay qorshe iyo istiraatiijiyad lagu maamulo badda Somaliland iyo ciidanka Badda oo ay sheegeen inay mushkiladi ka dhalankaro haddii aan qorshe cad  loo

samayn  dhismaha hay’addaha Badda, sidaana waxay ku sheegeen qoraal ay soo saareen.
Qoraalka xubhaa ayaa kusoo beegmay dhawr maalmood  ka dib markii uu muran ka dhashay qaabka loo qorayo ciidanka illaalada xeebaha Somaliland oo la doonayo in la balaadhiyo, isla markaana la habeeyo.
Wuxuuna qoraalkoodu u dhignaa sidan;- “Xubnahan aqoonyahanadda bada ah waxaa u hadlay Xussen Axmed Khayre, waxaana qoraalka ay soo saareen uu ku bilaabay siddan. “Aniga oo ku hadlaya afka khuburada Aqoonta bada ee reer Somaliland, horenna in badan isugu taxalujiyay waxqabad iyo tallaba siddii xaga bada looga faa’iideysan lahaa, balse aanay waxba ku qaadan xukumaddii hore haday tahay (1)-Nabadgaliyad,
(2)-horumarka
(3)-dhaqaalaha
(4)-Staraatijiyadda
(5)-Xidhiidhka Caalamka ee bada
(6)-Siyaasad iyo aqoonsibba.
Haddaba, maanta oo ay Jamhuuriyadda Somaliland is bedel la aaminay dhistay oo keenay in caalamkii xidhiidh iyo waxqabadba inagu garab gallo ayaanu u Aragnaa baddii oo aad moodo in ciddii loo idmaday aanay
aqoonba u laheyn ka midha dhalinteeddii ama ay iska indha tireyso.
Sidaa daraadeed, waxa waajib nagu ah in aanu muujino xaaladda dhabta ah ee ay badu ku sugantahay inta aanay wax-yeelo inagu keenin halkii looga fadhiyay horumar iyo nabadgalyo waarta, Haayadaha bada ee dalkeen u magacaabani waa
(1)-Ciidanka bada oo laba magac leh, waxaanay labadaa magac ee ciidanka bada ee dalkeenu kala yihiin, Ciidanka bada iyo Ciidanka ilaalada xeebaha.
(2)-Dekedda iyo gaadiidka bada
(3)-Wasaarrada kaluumeysiga iyo khayraadka bada.
(4)-Kuuliyada badda oo gobolka ay ku taal ceeb iyo cadawba ku ahayd, is bedelkuse ballan qaaday in uu dhab u dhisayo si looga faa’iideysto. Haddaba, haydahani dhamaan way isku wadda xidhan-yihiin oo sharci ka dhaxeeya ayaa jira, haddii ay mid qudh ihi sidda la rabo u shaqeyso, dhamaan si wanaagsan ayay u shaqeynayaan oo ay ujeedooyinka lixda ah ee kor ku xusanba ay u fulinayaan ka soo qaad ciidanka bada:-
(1)-Ciidanka baddu waa ka dhamaan haya’adahan u ah, dhexda ee nabadgaliyadooda guud iyo nabada dalkaba masuulka ka ah.
(2)-Ciidanka baddu waa ka sharciga ka dhexeeya hay’adahan ee badda ku socod siiin lahaa, Sidda Weel kasta oo badda soo gala waa in uu la socdaa haduu sharci ku soo galay iyo hadii kaleba.
Tusaale ahaan, hadduu dekeda u socdo weelku, dekeda waa in ay ka wada socdaan min markuu dekedda kale ka soo baxo, waxa uu siddo iyo cidda leh ilaa bixidiisa danbe. Haduu kaluumeysi-yahay, waa in ay ka wada
socdaan wasaaradda kaluumeysiga, yimaadana dekedda, halkaana lagu ogaado inta uu qaado ee kaluun ah, cidda leh, nooca kaluunka, qalabka uu ku kaluumaysanyo mudada uu badda ku jirayo aaga uu ka kaluumeysanayo, lana siiyo sharciga nadaafada iyo ilaalinta bada, markay mudadu ka dhamaato waa in uu yimaado dekedda oo uu ku soo noqdo dekeda si loo ogaado nooca iyo inta tan ee uu soo qabsaday ee kaluuna, lana cashuuro wakhtigaa uu dekeda ku suganyahay oo la fasaxo. Haddaba ciidanka bada la’aantii, bada wax soo gali kara oo sharci daro
ahi ma jiro wixii sharciga ka dhiman ee uu ku helo hayaadahan iyo weelka badaba(Maraakiibta)waa ka ku qabsanaya ilaa la saxo qaladkaa sharciga laga galay ciidanku.
Ciidanka bada oo isagu ah kii bada kantaroolkeeda lahaa ayaa ah mid fadhiida, aqoontii uu lahaana lumiyay oo u sii dhawaanaya ciidan lugeed (Inventry), taana waxa cadeynaysa in aaanu maanta ciidanku badana gali Karin oonu aqoonteed laheyn intii aqoonta u laheydna banaanka ka joogto, Maanta ayaa waxay shaaciyeen in ay qorayaan
Ciidan badeed tiina gobolada oo dhan waxay u direen in ay keenaan dad noqon kara ciidan Eventrya, oo aan waxna qorin waxna akhriyin, halkii ciidanka bada oo la ogayahay in uu yahay aqoon farsamo ee loo qaadan lahaa arday iskuulada ka soo baxday, ugu yaraan ardayda ka soo baxday dusigyada dhexe amaba kuwa sare ayaa intiina reero ku keena la yidhi qabiil iyo qarana wax is gala maaha taasna waxa aanu u aragnaa qaran dumis oo waxaba ka dhacday in cuqaali xabado ka ridaan iyaga oo ku dacwoonaya inan baa reerkaygii ciidankaa loo qori waayay.
FG:- ma jirto haayada bada ku shaqo leh oo sharci iyo shuruud badeed ku shaqeysaa, mana jiro sharcigii ka dhexeeyay dekeda, kaluumeysiga, Ciidanka bada, xidhiidhka caalamka bada iyo fulinteedii oo ah Ciidanka
bada. Sidaa darted, nabada galiyo guud iyo horumar midna lama gaadhayo inta ay maqantahay ama la baal marayo aqoontii Badda. Talo bixin:-Hadaan dag dag loo ururin aqoontii bada, deg-dagna loo bilaabin kormeer iyo xaqiiqa raadinta dhismaha iyo shaqada hay’adahan bada wixii dhib iyo dib udhac ay sababaan yaan la qoomameyn gudo iyo
dibadba.
Magacyada khurada qoraalkan soo saartay
1) Chief Eng.Colonel. Xusseen Axmed Khayre 4443240 Hand phone number
2) Cominication Eng. Cusmaan Jaamac Samatar 4440376
3) Chief Eng.Colonel Yuusuf Ibraahim Cabdi 4400114″

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *