Hargeysa(ANN) Magaalooyinka Somaliland  ayaa si weyn looga dareemayaa diyaargarawga  abaabulka iyo qaban-qaabada  xuska maalinta qiimaha baddan ee loo balamay in gudo iyo debedba sannad guurada 20aad ee qarimada Somaliland oo ku beegan   18 May, xuskeeda si ka duwan sidii hore

 

loogu xusi jiray looga sameeyo  guud ahaan dalka iyo debedaba,   taas oo ay hada inaga xigaan wax ka yar todobaad. 
Labaatan guurada xuska maalinta qiimaha baddan ee qaranimada Somaliland  ayaa loo balamay in la sameeyo isu soo baxyadii ugu balaadhnaa ee ka dhaca magaalooyinka Somaliland iyo muwaadiniinta u dhalatay ee dacalada dunida ku dhaqan oo iyaguna ka samaynaya banaanbaxyo  wadamada ay joogaan, iyadoo la doonayo in lagu muujiyo isu soo baxyadaa aqoonsiga ay bulshada somaliland ka sugaysay beesha caalamka labaatankii sannadood ee lasoo dhaafay oo hanatay qaranimadeeda , isla markaana samaysay nidaam dawli ah,  dumuqraadi yad iyo doorashooyin xor ah.
Xukuumadda Somaliland ayaa dhowaan u magcawday guddi loo xilsaaray abaabulka xuska maalinta 18 May, iyadoo Madaxweyne Axmed siilaanyo ugu baaqay muwaadiniinta  gudo iyo debedba inay si weyn ugu soo baxaan maalintaa oo ay aduunka u muujiyaan aqoonsiga dalka Somaliland ka sugayo beesha caalamka, waxaana maagaalada caasimada ee hargeysa laga dareemayaa diyaargarawga xuska  munaasibadaa , iyadoo  si weyn looga hadalhayo diyaargarawga maalintaa, isla markaana ay socdaan dhaqdhaqaaqyo xamaasadaysan oo ay dadku ku iibsanayaan Calanka Somaliland ay doonayaan inay maalintaa qaataan ama ay xidhtaan,  garmaan lagu buufiyay ama lagu nashqadeeyay calanka, toobab hablaha loogu talo galay oo iyaguna ka samaysan harqadaha sadexda midab ee calanka, koofiyo iyo masaro, taas oo keentay in xamaasada diyaargarawgu sababo in qiimaha calanka Somaliland si weyn qiimihiisu u kordho, iyadoo ay weli todobaad ka hadhay xuska munaasibada maalinta loo balamay.
Sidoo kale boqolaal kun oo ah muwaadiniinta u dhashay somaliland eek u dhaqan dalalka Uk, USA  iyo Wadamada Khaliijka ayaa dhinacooda wada diyaargaraw ku saabsan sidii ay maalintaa u samayn lahaayeen  debedbaxyo si weyn usoo jiita indhaha rayal caalamka, waxaana  jahliyadaha ku dhaqan dalka Britain bilaabeen diyaargarawga  iyo abaabulkooda bishii hore,  isla markaana muwaadiniinta Somaliland eek u filqan dacalada aduunka ayaa si xamaasadaysan looga  dareemayaa diyaargarawdooda shebekadaha internet-ka ee barkulanka u ah bulshooyinka caalamka, iyadoo kumanaan ah kuwa isticmaala shebekada Face book  ku balameen inay qaataan astaanka calankooda, isla markaana shucuurtooda ku muujiyaan rabitaankooda xuska maalintaa 18 May. Iyadoo ay dhalinyarada  awooda baddan ee munaasibadan  sida weyn u danaynayaa yihiin kuwii dhashay labaatan sannadood ka hor 1991, markii magaalada Burco lagaga dhawaaqay inay somaliland lasoo noqotay madaxbanaanideedii luntay 1960-kii midawgii Somalia, taas oo ka dhalatay dagaal dhiig badani ku daatay iyo halgan dheer oo ay hormood u ahaayeen ururkii  hubaysnaa ee SNM. 
Si kastaba ha ahaatee diyaargarawga gudo iyo debedba ee loo balamay xuska sannad guuradii 20aad ee qaranimada somaliland ayaa noqonay tii ugu horaysay ee taariikhda sidan oo kale loo abaabulo ee gudo iyo debedba loogu balamo, isla markaana mujtamaca caalamka loogu muujiyo xaqa ay shacbiga Somaliland u leeyihiin inay aqoonsi buuxa ka helaan beesha caalamka, waxaana suurta gal ah inay wax weyn ka bedesho munaasibadani siyaasada beesha caalamka eek u wajahan Somaliland, isla markaana ay garawshiiyo ka helaan shacbiga Somaliland mujtamaca aduunka.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *