Hargeysa(ANN) Malayshiyo ka tirsan Jabhada ONLF Garabka Ku Gacansaydhay heshiiska nabadeed ee dawladda Ethiopia sannadkii hore la gashay jabhadaa ayaa ka degey xeebta duleedka Laasqoray, kuwaas oo soo dhamaystay tababar mudo saddex sannadood ay ku qaadanayeen dalka Eretria.

 

Sidaana waxa u sheegay shebekada wararka ee Araweelonews warar laga helay ilo wareedyo ku sugan deegaanka  xeebta Laasqoray iyo meelo kale.
Malayshiyada ONLF ee ka degey halkaa ayaa tiradooda lagu sheegay 2015, kuwaas oo watay laba doonyood oo ah nooca kaluumaysatada ee yar yar. Malayshiyadaa oo ahaa kuwo aad u hubaysan ayay ciidmada sirdoonka ee Ethiopia ka war heleen inay kasoo bexeen dalka Eretria todobaadkii hore, waxayna heegan ka galeen ciidamada Ethiopia iyo kuwa Somaliland xeebaha galbeedka Somaliland oo la filayay inay kasoo degaan, halkaas oo ay dhamaadkii sannadkii hore malayshiyo sidan oo kale tababar kusoo dhamaystay dalka Eretria kasoo degeen, balse ay ciidanka Somaliland fashiliyeenha. Laakiin ciidanka Ethiopia oo maalmihii lasoo dhaafay si weyn loosoo dhoobay xadka dhinaca galbeed ee Somaliland ayaa ku hungoobay halkaa.

Waxayna Malayshiyadaa ONLF ka degeen dhinaca xeebta Laasqoray, iyadoo uu deegaanka Galgala ka dhacay dagaal dhexmaray Malayshiyo taabacsan Sh. Maxamed Siciid Attam iyo ciidamada maamulka Puntland oo marar hore dagaalo culusi ku dhexmareen deegaanka Buuralayda Galgala ee duleedka magaalada Boosaaso. Sida ay sheegayaan wararka laga helay deegaanka  dagaalka ayaa ujeedadiisu ahayd  sidii ay Malayshiyada ONLF ugu suurta geli lahayd inay ka talaabaan deegaankaa.

Sh. Maxamed Siciid Attam ayaan dhawrkii bilood ee u danbeeyay warkooda la hayn. Kadib markii dagaalkii u danbeeyay dhawr bilood ka hor laga qabsaday  fadhiisinka deegaanka Galgala oo ah Buuraley, kaas oo ay dadkii deegaanka ooh ore uga qaxay dib ugu soo laabteen, balse wararka qaar ayaa sheegaya in Sh.  Maxamed Siciid Attam  oo xidhiidh la lahaa kooxda SSC ee deegaanka Buuhoodle iyo Jabhada OLNF mudooyinkan danbe ku maqnaa dagaalada Al-shabaab ka waday Koonfurta Somalia gaar ahaan dhinaca Kismaayo iyo Buulo Xaawo, isla markaana uu soo laabtay maalmihii lasoo dhaafay, isagoo wata koox Malayshiyadiisa ah, kuwaas oo weerar gaadmo ah ku qaaday xero ku taal deegaanka Galgala oo fadhiisin u ahayad  ciidanka maamulka Puntland ee hore dagaalku u dhexmaray, isla markaana khasaare culus gaadhsiiyey ciidanka ku jiray xeradaa oo sida ay wararku sheegayaan ay ka qabsadeen goobtii ay deganaayeen, iyagoo ku dhowaad 40  ka mid ah ciidankii halkaa deganaa noqdeen  dhaawac iyo dhimasho, balse dhinaca Malayshiyada Sh. Attam ayaa iyana waxa soo gaadhay khasaare, iyadoo laga saaray goobtii ay qabsadeen.
Dagaalka xiligan ee Galgala ayaa wararka la xidhiidhaa sheegayaan in ujeedada ugu weyni ahayd in Malayshiyada Attam dib isu abaabusho oo ay fadhiissinkoodii kusoo noqdaan, maadaama  ay soo baxeen warar sheegaya in  boqolaal Muhaajiriinta Al-shabaab ee dagaalada ka waday Somalia u bexeen dhinaca dalalka Yamen iyo Libya oo ay doonayaan inay u xoojiyaan dagaalada ka socda ee kooxaha ay wadaagaan mabaadiida iyo inay u suurta gasho inay Jabhada ONLF ka talaabaan deegaankaa marka ay xeebta ka degaan, iyagoo u gudbaya dhinaca Somalia.
Dawladda Eretria ayaa taageero military iyo hub siisa kooxaha dagaalada ka wada Somalia iyo jabhada ONLF ee dagaalka kula jirta Ethiopia, waxayna horaantii sannadkan iyo dabayaaqadii sannadkii hore ka rogeen xeebaha dhinaca Puntland ee duleedka Boosaaso hub iyo rasaas laga soo raray dalka Eretria. Sidoo kale malayshiyo ka tirsan garabka ku gacansaydhay heshiiska Ethiopia ayaa dhamaadkii sannadkii hore ka degey xeebaha dhinaca galbeedka Somaliland, balse ay ciidamada somaliland iyo kuwa Ethiopia fashiliyeen, isla markaana intii badnayd ciidanka Ethopia gacanta ku dhigeen,   kuwaas oo  tababar sadex sannanood ah kusoo qaatay dalka Eretria.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *