Muqdisho(ANN) Xubintii labaad ee ka tirsan golaha wasiirada ee uu dhowaan magcaabay Raysal wasaaraha Somalia Mr. Farmaajo ayaa iska casilay xilkii loo magcaabay. Ka dib markii sida uu sheegay cadaadis xoogi kaga yimi

deegaanka uu kasoo jeedo.
Wasiir Kuxigeenka Wasaarada  Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sarre   Faysal Cumar Guuleed ayaa Shirjaa’id  oo uu ku qabtay maanta gelinkii danbe Magaaladda Muqdisho, waxa uu  ku sheegay inuu iska casilay Wasiir Kuxigeenkii uu u soo magacaabay Raysal Wasaare Farmaajo, Wuxuuna Xukuumada Dowladda KMG ku eedeeyay inay dhinac martay miisaankii looga baahnaa ee isu dheeli tirka xilalka masuuliyiinta ee deegaamada Soomaalida. Sidoo kale   waxa uu  Sheegay inay Jabisay Xukuumadda Sh. Shariif  Heshiiskii Jabuuti.
Mudane Faysal Cumar Guuleed ayaa Sidoo kale Sheegay inay bulshada deegaanka uu kasoo jeedaa  ku qanci weyday Wasiirka Kuxigeenka,  islamarkaana ay go’aan ku gaadhay inuu  booskaa  iska casilo.
Wasiir kuxigeenka ku dhawaaqay is casilaada ayaa noqonaya kii  Labaad ee is  casila todobaad gudihii, kuwaas oo sida ay ku doodeen ujeedada is casilaadooda ku sifeeyay  cadaadis kaga yimaada bulshada deegaanka ay  kasoo jeedaan.  kadib markii ay ku qanci waayeen Wasiir Kuxigeenada uu u Magacaabay Raysal Wasaare Farmaajo . talaabada is cxasilaada   arintan ayaa wadada u xaadhaysaa inay Wasiir kuxigeeno kale maalmaha soo socda is casilaan, taas oo dhirbaaxo ku noqonaysa xukuumada taagta daran ee uu soo dhisay Mr. Farmaajo,  oo ay maalmahan dagaalo hor leh iyo weeraro  ku bilaabeen  kooxaha Al-shabaab ee gacanta ku haya inta badan Magaalada Muqdisho iyo Gobolada dhexe ee Somalia.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *