Nairobi(ANN)  Xubno ka tirsan kooxda la baxday SSC ee uu hogaaminayo Garaadka Reer Sool ee u guntaday collaadda ayaa maanta  gaadhay xarunta Dalka Kenya ee Nairobi. Kadib markii ay ku hungoobeen qorshe ay Dawlada taagta daran ee Sh. Shariif kaga

doonayeen hub iyo saanad milateri oo ay ka dalbadeen todobaadkii hore xili ay booqasho ku tageen Magaalada Muqdisho.
Kooxda la baxday SSC ee uu Hogaamiyo  Garaad Jaamac Garaad Cali Garaad Jaamac oo ay weheliyaan  Ninka lagu magcaabo Saleebaan Xaglatoosiye  iyo Xubno kale oo ka tirsan kooxdaa  ayaa gaadhay Magaaladda Nairobi ee Xaruunta Dalka Kenya, lama garanayo ujeedada safarka kooxdaa, balse safarkooda dhinaca Nairobi ayaa kusoo beegmay xili ay xiisad colaadeed ka oogan tahay deegaanka Buuhoodle oo ay kooxdaasu fadhiisin ka dhigteen  markii la abaabulay tan iyo sanadkii hore.
Todobaadkii hore ayuu Madaxweynaha maamulka Puntland oo munaasibadii Ciida Odxa ka hadlayay aarimaha amaanku wuxuu ku eedeeyay kooxdaa inay gobolka ka wadaan xaalad nabadgelyo daro iyo colaaddo ay hurinayaan, isagoo sheegay inay  kooxda uu hogaaminayo Garaadku ee SSC Hub u doonteen Dawlada taagta daran ee Sh. Shariif, balse ay ku hungoobeen.
Ma jiraan warar xaqiijinaya ujeedada kooxdaa ee xiligan iyo inay dawlada Kenya ka dalbanayaan Hub iyo saanad milateri, iyadoo ay sanadkii hore sidan oo kale booqasho ay ku tageen dalalka Kenya iyo Djibouti  kaga codsadeen inay taageero Hub iyo saanad Milateri u fidiyaan, balse ay wadamadaasi ganafka ku dhifteen codsiyadaa.
Dhinaca kale Madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan Faroolle  iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa iyaguna maanta gaadhay  dalka Kenya. Socdaalka maamulka Puntland si cad looma oga inuu xidhiidh la leeyahay kooxda Garaad Jaamac.  Mr. Faroolle oo ka hor  intii aanuu ka dhoofin garoonka diyaaradaha ee magaalada garoowe saxaafada la hadlay  ayaa ujeedada  safarkiisa ku macneeyey inuu yahay mid  la xidhiidha  Hanaanka Horumarka Degaanada Puntland, wuxuuna safarkiisu kusoo beegmay maamlo yar ka dib markii uu canbaarayn u jeediyay maamulka dawlada taagta daran ee Sh. Shariif oo uu sheegay inay kula dhaqantay maaulkooda siyaasad xun, isla markaana uu ku hanjabay in aanay wax xidhiidh ah la yeelanayn.
Sidoo kale booqashada Nairobi ee Mr. Faroolle ayaa kusoo beegnatay,  iyadoo  ay booqasho ku tageen halkaa kooxda SSC ee uu hogaamiyo Garaadka Reer Sool, isla markaana waxa jira jira warar socdaalada Mr. Faroole iyo kooxda SSC ee Garaadka xidhiidhinaya oo tibaaxaya inay Dawlada Kenya u yeedhay labada dhinac, balse ma jiraan warar rasmi ah oo la xidhiidha safarada maamulka Puntland iyo kooxda SSC ee Nairobi.  Iyadoo ay jiraan warar kale oo sheegaya inay dawlada Kenya qorshaynay sidii ay u dejin lahayd khilaafka u dhexeeya maamulka Faroolle iyo Sh. Shariif,  laakiin  warar kale oo arrimahaa la xidhiidha ayaa tibaaxaya inay Mr. Faroolle iyo kooxda Garaadka SSC kulan ugu yeedhay Dawlada Kenya, balse xaqiiqda wararka la xidhiidha arrimahaa ayaa la filayaa inay maalmaha soo socda soo baxaan.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *