Hargeysa (ANN)- Golaha wakiilada Somaliland ayaa la filayaa inay go’aan ka gaadhaan mooshinka muranka iyo xaasaasiyada ka abuuray golaha maalmihii ina dhaafay ee kala xadaynta mushaharooyinka Madaxda qaranaka iyo mudanayaasha laba gole. Hase yeshee

waxa jira warar la xidhiidha arrimaha mooshinkaa oo tibaaxaya inay maamlmihii u danbeeyay socdeen kulamo  dhexmaray  koox   Wasiiro ka tirsan xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland  ee  miiska soo dhigay meel marinta mooshinka kala xadaynta mushaharooyinka masuuliyiinta qaranka. Ma jiraan warar rasmi ah  oo kasoo baxay kulamadaa, balse sida  ay shebekada wararka ee Araweelonews u xaqiijiyeen xubno ka mid  mudanayaasha ka qayb galay  kulamadaa, waxay dhinacooda ku   dalbadeen xildhibaanadu   in mudanayaasha baarlamaanka (guurtida iyo wakiillada) loo kordhiyo mushaharooyinka ay bishii qaataan, taas oo aan ka baxsanayn miisaaniiyadaha u qoondaysan golayaashooda.
Xubnaha wasiirada ee xukuumadda Axmed Siilaanyo uga qayb galay kulankaa ayaa dhinacooda ka dalbaday mudanayaasha inay hakiyaan mooshinka kala xadaynta musharooyinka ilaa dhamaadka sannadka  geba gebada ah, balse taa bedelkeeda ayay mudanayshu kulnakii labaad ee ay la yeesheen kooxdaa wasiirada ah oo ka koobnaa Afar xubnood todobaadkan  waxay labada dhinac isla  qaateen in  heshiis guud oo ku saabsan xadigga lacagta mudanayaasha baarlamaanka loo kordhin karo. Kadib markii  kulanka hore ee wasiirada iyo mudanayaashu yeesheen lagu kala kacay  markii la isku afgaran waayey lacagta xiligan loo kordhin karo xildhibaannada, taas oo sida ay tibaaxahaasi sheegayaan  mudanayaashu dalbadeen in bishii la siiyo lacag gaadhaysa $1,500, balse ay dalabkaas ku gacan saydheen wasiiradda xukuumadda ka socday.
Hase yeshee Sida ilaha xogogaalka ahi u xaqiijiyen shebekada Araweelonews,  waxa wasiirrada iyo guddida ka socday mudanayaasha mushaharo kordhinta dalbaday ay kulan kale isugu yimaadeen  toddobaadkan,  kulankaa  oo falanqayn iyo doodo adag ka dib la isla qaatay in mudanayaasha mushaharkooda la gaadhsiiyo  $1000, waxaanna gabagabadii la isla waafaqay in lagu darro $200 oo ah cashuurtii ka go’I lahayd mushaharka mudanayaashu qaataan, si xildhibaannada baarlamaanku u qaataan bishii $1000 oo saafi ah, labada boqol ee cashuurta ahna xukuumaddu ka bixiso, taas oo noqonay kabis lagu sameeyay mushaharooyinkooda.
Waxayna wasiirrada iyo mudanayaashu fadhiyada ay yeesheen isla qaateen laba qodob oo kala ah in xeerka kala xadaynta mushaharooyinka la hakiyo waqtigan, isla markaana  lacagta ay mushaharada u qaadanayaan loo soo raaciyo miisaaniyadda sannadkan 2011, xukuumaddu soo gudbinayso iyo in dib u habayn lagu sameeyo xeerka kala xadaynta mushaharooyinka oo la soo waafajiyo lacagta kunka dollar ah ee ay baarlamaanku mushaharada u qaadanayaan, dabeedna sidaa lagu ansixiyo xeerka kala xadaynta mushaharooyinka madaxweynaha, madaxweyne-ku-xigeenka, shirguddoonka baarlamaanka (guurtida iyo wakiillada) iyo mudanayaasha xeer-dejinta.
Fadhigga mudanayaasha wakiilladu Isniinta maanta u ballansan yihiin  ayaa la filayaa in lagu soo qaado sidii go’aan looga gaadhi lahaa xeerka kala xadaynta, wuxuuna fadhigani  ka danbeeyay  kadib markii todobaadkii hore uu dhamaaday kalfadhigoodii ay mudanayaasha qaarkood soo jeediyeen in golluhu galo kalfadhi aan caadi ahayn, kaas cod aqlabiyad ah ay ku ogolaadeen, isla markaana loo balamay inuu furmo 22 Nov, maalinta Isniinta, iyadoo  fadhigaa  uu guddoomin doono guddoomiye ku xigeenka Laad ee wakiillada Md. Baashe Maxamed Faarax, maadaama Guddoomiyahii  iyo guddoomiye  ku xigeenkii 1aad ku maqan yihiin safar dalka dibadiisa ah. Waxaana la filayaa in Xeerka kala xadaynta  mushaharooyinka oo si weyn u kala qaybiyey mudanayaasha Golaha Wakiillada laga wada hadli doono sidii laga yeeli lahaa  in xeerkaa sidiisa lagu hakiyo iyo in mudanayaashii soo diyaariyey ku soo sameeyaan dib u habayn lagu jaangoynayo lacagta lagu heshiiyey in mudanayaashu mushahar ahaanta u qaataan, dabeedna sida lagu ansixiyo si uu u noqdo xeer lagu dhaqo mushaharooyinka golayaasha qaranka.
.
Xeerkan kala xadaynta mushaharooyinka, ayaa mudadii doodiisu  ka socotay golaha , waxa si weyn ugu kala qaybsamay mudanayaasha wakiillada, iyada oo qaar k mid ah xildhibaannada wakiilladu gacanta isula tageen mudadii ay socotay dooda xeerku , balse waxa si weyn loogu dheg taagayaa waxa kasoo baxa kulanka wakiillada ee maanta loo balansan yahay  iyo halka uu sal dhiggo xeerka kala xadaynta mushaharooyinku.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist
Araweelonews Somaliland Office 
E-mail; Info@araweelonews.com
  jaamac132@gmail.com
  shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *