Muqdisho(ANN) Xubintii labaad ee ka tirsan golaha wasiirada ee uu dhowaan magcaabay Raysal wasaaraha Somalia Mr. Farmaajo ayaa iska casilay xilkii loo magcaabay. Ka dib markii sida uu sheegay cadaadis xoogi kaga yimi
deegaanka uu kasoo jeedo.
Wasiir Kuxigeenka Wasaarada Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sarre Faysal Cumar Guuleed ayaa Shirjaa’id oo uu ku qabtay maanta gelinkii danbe Magaaladda Muqdisho, waxa uu ku sheegay inuu iska casilay Wasiir Kuxigeenkii uu u soo magacaabay Raysal Wasaare Farmaajo, Wuxuuna Xukuumada Dowladda KMG ku eedeeyay inay dhinac martay miisaankii looga baahnaa ee isu dheeli tirka xilalka masuuliyiinta ee deegaamada Soomaalida. Sidoo kale waxa uu Sheegay inay Jabisay Xukuumadda Sh. Shariif Heshiiskii Jabuuti.
Mudane Faysal Cumar Guuleed ayaa Sidoo kale Sheegay inay bulshada deegaanka uu kasoo jeedaa ku qanci weyday Wasiirka Kuxigeenka, islamarkaana ay go’aan ku gaadhay inuu booskaa iska casilo.
Wasiir kuxigeenka ku dhawaaqay is casilaada ayaa noqonaya kii Labaad ee is casila todobaad gudihii, kuwaas oo sida ay ku doodeen ujeedada is casilaadooda ku sifeeyay cadaadis kaga yimaada bulshada deegaanka ay kasoo jeedaan. kadib markii ay ku qanci waayeen Wasiir Kuxigeenada uu u Magacaabay Raysal Wasaare Farmaajo . talaabada is cxasilaada arintan ayaa wadada u xaadhaysaa inay Wasiir kuxigeeno kale maalmaha soo socda is casilaan, taas oo dhirbaaxo ku noqonaysa xukuumada taagta daran ee uu soo dhisay Mr. Farmaajo, oo ay maalmahan dagaalo hor leh iyo weeraro ku bilaabeen kooxaha Al-shabaab ee gacanta ku haya inta badan Magaalada Muqdisho iyo Gobolada dhexe ee Somalia.
By, Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist
Araweelonews Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com
+252 2 442 5380