Widh-widh(ANN) Shirka la filayay inuu maanta ka furmo degmada Widhi-widh ee duleedka Buuhoodle ayaa hakad ku yimi. Kadib markii uu shirkaa oo loo balansanaa inuu maanta  furmo dib ugu dhacay maalinta beri, iyadoo ay halkaa gaadheen wasiiro ka tirsan xukuumadda Somaliland iyo  masuuliyiin

 

kale iyo sidoo kale  Odayaasha madaxdhaqameedka deegaamada Laascaanood iyo Buuhoodle  oo ka qaybgelaya shirkaa.
Dhinaca kelana  saddex sarkaal oo ka tirsan masuuliyiinta kooxda nabadiidka ee SCC ayaa maanta gaadhay deegaanka Widh-widh. Kadib markii ay ka goosteen kooxda nabaddiidka . Af-hayeenka madaxtooyada Somaliland C/llaahi Daahir Cukuse oo aanu khadka teleefoonka kula xidhiidhnay ayaa shebekada wararka ee Araweelonews u xaqiijiyay inay saddexdaa sarkaal ka mid noqonayaan ergooyinka ka qaybgelaya shirka oo ay isu soo dhiibeen xukuumadda Somaliland.
Sadexdaa sarkaal oo ah xubnihii ugu sareeyay kooxda nabadiidka SCC ayaa kala ah Gudoomiyaha Golaha Khusuusiga  kooxda SCC C/risaaq Xasan Gacamay,   Cisman Xaaji Cali oo dhinaca Maaliyada u qaabilsanaa kooxdaa iyo Maxamed Case oo ka mid ah saraakiisha sare ee kooxdaa, waxaana sadexdaa xubnood maanta lagu soo dhoweeyay magaalada widh-widh, iyadoo ay si toos ah uga qaybgelayaan wada hadalada nabadeed ee beri ka furmaya magaalada Widh-widh , taas oo ka cadhaysiisay Ninka hada kooxdaa ku hadhay ee lagu magcaabo Col, sabareey.
Iyadoo ay deegaanka widh-widh hada ku sugan yihiin ergooyin gaadhaya boqolaal qof oo isugu jira masuuliyiin dhinaca Somaliland ka tegey, mudanayaal labada gole Baarlamaan iyo madaxdhaqameedka deegaanka Buuhoodle iyo Laascaanood. Waxaana aad loo adkeeyay amaanka deegaanka Widh-widh, iyadoo dadweynaha deegaanku  isu abaabuleen inay ergooyinka halkaa  gaadhay soo dhowayaan. Shirkan oo ah baaq Madaxweyne Siilaanyo hore ugu jeediyay dadka deegaanka Buuhoodle iyo Laascaanood  ayaa la filayaa in lagu soo afjaro tabashooyinka siyaasadeed ee deegaanka mudada dheer soo jiitamayay.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *