Hargeysa(ANN) Fadhi wada jir ah oo ay maanta yeesheen labada gole ee Baarlamaanka Somaliland ayaa aqlabiyad ku ogolaaday xil ka qaadista gudoomyiha Maxkamadda sare ee Somaliland Maxamed Xisri Oomane . Fadhigaa  oo uu guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada C/raxmaan Maxamed

 

Cabdilaahi (Cirro) waxa madasha ka soo xaadiray 132 Xildhibraan oo ka mid ah 164-ka Xildhibaan ee labada Gole ka kooban yihiin.
Kadibna Waxa Mudaneyaasha loo akhriyay digreetadii Madaxweyne Axmed Siilaanyo xilkii kaga qaaday Guddoomiyaha Maxkamada Sare iyo qoraalkii uu kaga dalbaday inay wax ka bedel ku sameeyaan xeerka doorashooyinka ee uu u soo gudbiyay Baarlamaanka , ka dibna waxa la gudo galay cod bixintii waxaana ogolaaday in xilka laga qaado 67 Mudane, halka 52 Mudane ay diideen xil ka qaadista Guddoomiyaha, iyadoo ay  ka aamuseen 10 Xildhibaan Guddoomiyuhuna muu codayn sidaana  waxa  ku ansaxday xilka qaadista Guddoomiyaha Maxkamada sare ee Somaliland oo Madaxweynuhu xilkii ka qaaday isaga iyo sideed garsoore oo ka mid ah xukaamta maxkamadaasi markii ay dami weyday cabashada dhinaca garsoorku.
Dhinaca kale waxa la hadalhayaa tan iyo markii xilka laga qaaday gudoomiyaha maxkamadda sare in si weyn loogu raja weynyahay inuu Madaxweyne Siilaanyo xilka gudoomiyaha maxkamadda sare u magcaabo Dr. Yuusuf Ismaaciil Cali oo ah garyaqaan si madaxbanaan ugu shaqaysta xirfadiisa shaqo, isla markaana xilal kala duwan kasoo qabtay garsoorka Somaliland tan iyo 1992, isagoo Garyaqaan Yuusuf ka qalain jebiyay jaamacaddii Ummada Soomaaliyeed ee Gahayr  1988, isla markaana garsoore kasoo noqday Maxkamadda gobolka Hargeysa, Maxkamadda Rafcaanka ee Hargeysa  iyo meelo kale ka hor intii aanu  istiqlaalid dhiibin sannadkii 2002. Geeridii Madaxweyne Cigaal  Kadib markii ay xukuumaddii Rayaale  faragelin ku samaysay garsoorka Somaliland. iyadoo lagu tilmaamo Garyaqaan Yuusuf  shaqsiyaadka ugu nadiifsan dhinaca dadka ka hawlagala garsoorka Somaliland, isla markaana xirfad aqooneed iyo waaya aragnimo u leh shaqada garsoorka.
Si kastaba ha ahaatee Madaxweyne Siilaanyo talaabada dhinaca garsoorka ah ee uu qaaday  ayaa ka danbaysay balanqaad dib u habayn dhinaca cadaaladda iyo garsoorka ah oo uu balanqaaday xiligii kaanbaynka Ololaha doorashada madaxtooyada, waxaana la filayaa inuu magcaabo saacadaha soo socda gudoomiyaha maxakamadda sare iyo garsoorayaal kale.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *