Berbera(ANN) Ciidamada Booliska iyo kuwa Marineska Somaliland ayaa fashiliyay  Koox qorshaynaysay inay falal budhacd-badeed ka abaabulaan duleedka magaalada berbera, kadib markii Laash la rumaysan yahay inay kooxdaasi ku fuliyaan fal Budhacd-badeed uu ka caaryay

 

xeebta magaalada Berbera, isla markaana ay ciidanka Booliska iyo Marinska Badu ka war heleen oo ay duleedka dhinaca galbeed ee xeebta Berbera kasoo jiideen Laashka.
Qaar ka mid ah Saraakiisha ciidanka Booliska oo ka gaabsaday in la magcaabo ayaa u xaqiijiyay shebekada wararka ee Araweelonews inay ciidamada amaanku gacanta ku dhigeen Laashkaa oo ay kooxdii wadatay ka carartay markii uu caaryay, isla markaana ay ku baxsadeen gaadhi noociisu yahay Surf. Warku  wuxuu intaa ku daray in laba  Nin oo ka mid ah kooxdaa oo ah Inan iyo Aabihii  laga soo qabtay shalay dhinaca magaalada Burco. Kadib markii la aqoonsaday, isla markaana loosoo dhaadhiciyay xabsiga magaalada Berbera oo ay ku xidhan yihiin. Sidoo kalena magaalada Berbera laga qabtay Nin farsamayaqaan ah oo la rumaysan yahay inuu gacan siinayay iyo laba mashiin oo nooca daba-kasaarka ah oo midkiiba yahay 40khayl. Laakiin qaar ka mid ah  saraakiisha Booliska ayaa xusay in qaar ka mid ah kooxdaa oo baxsaday ay ku raad joogaan, isla markaana aanay wax war ah ka bixinayn ilaa ay gacanta ku wada dhigaan.
Kooxdan ayaa wararku sheegayaan  deegaanka Ceel Daraat oo ah  duleedka dhinaca Bari ee magaalada Berbera doonayeen inay ku diyaar garoobaan. Laakiin ay ciladi ka gashay Laashkii ay wateen, taas oo keentay inuu ka caaryo duleedka dhinaca galbeed ee magaalada marsada ah ee Berbera.
Maaha markii ugu horaysay ee magaalada Berbera iyo nawaaxigeeda koox looga shakiyay inay qorshaynayaan falal budhcad-badeednimo laga soo qabto, balse kooxdan ayaa wararku sheegayaan ilaa hada kuwa la hayaa inay yihiin muwaadiniin u dhalatay Somaliland, taas oo ka duwan kooxihii sidan oo kale hore loogu qabtay  inay qorshaynayeen falal budhacd-badeed.
Xabsiyada Somaliland  waxa ku jira ku dhowaad laba boqol oo qof oo loo haysto falal budhacd-badeed, kuwaas oo intooda baddan  xukumo kala duwani ku dhaceen.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *