Hargeysa(ANN)Xubnaha Weftigii Somaliland ee ka qayb gelaya  wada hadalada Somaliland iyo Somalia ayaa maanta ka ambabaxay dalka, kuwaas oo u kicitimay

 

dalka Britain  oo ay wadahadaladu ka dhacayaan maalmaha soo socda.
Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar oo hogaaminaya wefdigaa ayaa ,  saaka shir jaraa’id ku qabtay xarunta Madaxtooyada, wuxuuna  ka waramay qaabka ay u dhici doonaan wadahadalada labada dhinac, isagoo  sheegay in wadahadaladani ay ka dambeeyeen baaqii ka soo baxay shirkii London oo beesha caalamku ku baaqday inay  Somaliland iyo Somalia ka wada hadlaan xidhiidhkooda mustaqbalka, shirkan hadda la qabanayaana uu yahay mid hordhac ah oo ay soo qabanqaabiyeen dawladaha Ingiriiska, Norwey iyo guud ahaan Midowga Yurub.
Dr Maxamed Cabdillaahi Cumar waxa uu sheegay in Somaliland go’aansatay inay ka qayb gasho shirkaa oo ah mid laga filayo in Somalia ku garwaaqsato xuquuqda, dawladnimada iyo madaxbanaanida Somaliland, maadaama ay Somaliland tahay dal madaxbanaanidiisii la soo noqday, beesha caalamkana ka doonaya ixtiraam iyo ictiraaf buuxa.
“Somaliland waxay u caddayn doontaa weftiga TFG-da Somalia mowqifkeeda siyaasadeed iyo waxii ay bulshada Somaliland go’aansadeen waxana uu noqon doonaa wadahadalo labo geesood ah oo ay tashiilaadkiisa bixinayaan wadamada reer Yurub qaarkood,”ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha dibada ee Somaliland.
Wasiirku waxa kale oo uu sheegay in wadahadaladaasi oo ay ka dhalan karaan talaabooyin muhiim ah oo Somaliland gaadhsiin kara hadafka siyaasadeed ee ay higsanayso.
Xubnaha weftiga oo todobaadkii lasoo dhaafay  uu magacaabay Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa tiradoodu tahay  Shan xubnood,  kuwaas oo kala ah sidan, Wasiirka wasaaradda Arimaha Dibadda Dr Maxamed cabdilaahi Cumar, Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha wakiilada Somaliland Md.Baashe Maxamed Faarax, Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Engineer faysal cali waraabe,  Wasiirka wasaaradda Madaxtooyada Md. Xirsi Cali X xasan,
Wasiirka wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada Maxamuud Axmed Barre Garaad.
Dhinaca kale Madaxweynaha dawladda ku-meelgaadhka ah ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa la xaqiijiyey inuu si rasmi ah u magacaabay guddi cusub oo uga qaybgeli doona wadahadallada gogol-xaadhka ah ee Somaliland iyo Soomaaliya oo 20 June 2012 uga furmi doona dalka Ingiriiska, balse aan weli la shaacin.
Sida ay  Jamhuuriya u xaqiijiyeen, ila wareedyo la xidhiidha warkaa Madaxweyne Shariif wuxuu  guddi ka kooban shan xubnood oo dawladdiisa uga qaybgeli doono wadahadallada gogol-xaadhka ah ee Somaliland   ka saaray   xubno hore loogu daray oo ka socday  maamul-goboleedka Puntland, kuwaas oo sababay carqaladii soo waajahday wada hadaladaa, balse  ay hada  shuruudaha dawladda Somaliland ku xidhay wadahadal dhexmara labada dhinac ku jiraan in aan lagu soo darin xubno  ka socda maamulka Puntland.
Magacayada gudida Sheekh Shariif Magcaabay, ayaa lagu sheegay        Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka dawladda ku-meelgaadhka ah Mr. Cabdisamad Macallin Maxamuud Sheekh Xasan oo ah guddoomiyaha guddida wadahadallada (Chief negotiator),  Wasiirka Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee dawladda ku-meelgaadhka ah Mr. Axmed Caydiid Ibraahim, Safiirka dawladda ku-meelgaadhka ah u fadhiya Jabuuti Ambassador Cabdi Xuseen Guulwade, Xildhibaan Xuseen Xasan oo ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya iyo Xildhibaan Maxamed Xasan Aadan oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.
Watku wuxuu intaa ku daray inay Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland, aqbashay inay la hadasho guddida cusub ee Madaxweyne Shariif magacaabay, maadaama laga reebay xubnihii ka socday maamul-goboleedka Puntland ee hore Somaliland uga soo horjeedsatay, isla markaana guddidan cusub ee shanta xubnood ka kooban aanay ku jirin masuuliyiin xil ka haya,  ama ka socda maamulka Puntland, iyadoo ka hor inta aan guddidan la shaacin la sheegay in dawladda Sheekh Shariif la soo xidhiidhay shalay madaxda Somaliland si ay ugu wargeliso guddida wadahadalka loo soo xulay iyo siday u arkaan, taas oo sababtay in markii Somaliland magacyada guddidaas ka warheshay ay go’aansatay inay miis la fadhiisato.
Sidoo xogahaa lagu shaaciyay Jamhuuriya, ayaa sheegay in  wadahadallada gogol-xaadhka ah ee Somaliland iyo Soomaaliya oo socon doona muddo laba maalmood ah, ay bilaabmayaan maalinta Arbacada ee taariikhdu tahay 20 June 2012, kuwaas  ka dhaci  doona Ingiriiska, isla markaana  lasoo gunaanadi doono Khamiista 21 June, iyadoo wadahadalka dhexmaraya Somaliland iyo Soomaaliya ay goob-joog ka noqon doonaan dawladaha Britain , Norway iyo Midowga Yurub, iyadoo Wasaaradda Arrimaha Dibedda Ingiriiska ay farsamo ahaan iyo shaqo ahaanba gacanta ku hayn doonta goobta wadahadalku ka dhacayo, waxayna halkaas ka bixin doontaa adeegyada loo baahan yahay oo dhan, hadday yihiin dhinacyada turjumaadaha, hab-maamuuska iyo farsamadaba.
Dawladda Ingiriiska, ayaa la xaqiijiyey inay wadahadalkan u qorshaysay inuu u dhaco qaab ah 1+4 oo ah in labada dal ee Somaliland iyo Soomaaliya magacaabaan min hal qof oo masuul uga noqda wadahadalka (Chief Negotiator) iyo afar xubnood oo taageerayaal ah, iyadoo Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar iyo Wasiirka Amniga Qaranka dawladda ku-meelgaadhka ah ee Soomaaliya Mr. Cabdisamad Maxamuud Sheekh ay labada dhinac wakiillo uga yihiin wadahadallada gogol-xaadhka ah, halka xubnaha kale  ee  labada geesood noqon doonaan taageerayaal ka caawinaya dhinacyada farsamada wadahadalka.
Wejiga koowaad ee wadahadallada oo bilaabmaya  toddobaadkan,  ayaa sida la xaqiijiyey waxay ku saabsanaan doonaan dhammaanba qodobadda mudan in laga hadlo ee khuseeya labada dal, sida  arrimaha siyaasadda, nabadgelyada, iskaashiga iyo xidhiidhka la wadaagi karo, iyadoo qodobadda ugu xaasaasisan ee miiska yaala ay  la xidhiidhaan arrimaha siyaasadda, kuwaas oo ay ka mid yihiin madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland oo xuduudaheedu yihiin kuwii taariikhiga ahaa ee laga dhaxlay boqortooyada Ingiriiska markii Somaliland xorriyadda qaadatay 26 June 1960.
Waa markii u horreysay ee Somaliland iyo Soomaaliya isugu yimaaddaan wadahadallo noocan oo kale ah, iyadoo kulanka gogol-xaadhka ahna ay ku xigi doonaan wadahadallo dhexmara labada madaxweyne ee Somaliland iyo Soomaaliya.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *