Ciidanka Sida Gaarka Ah U Tababaran Ee La Dagaalanka Aragagixisada Oo  Saqdhexe Galalafay Guri Ku Yaal Hargeysa, Tiro Dad Ah Oo Ay Kaxaysteen Iyo Qoyskii Guriga Deganaa Oo Ka Hadlay Hargeysa(ANN) Cutub ka tirsan Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee La-dagaalanka Argagixisada ee RRU,  ayaa xalay saqdii dhexe Gacanta mariyay  Guri dhisme weyn ah oo kasoo horjeeda Saldhiga Koodbuur ee Woqooyiga Hargeysa, kaas oo uu leeyahay Xasan Aw Libaax oo

 

ka mid ah Odayaasha caanka ah ee sida weyn looga yaqaan Soamliland.
Axmed Ismaaciil Ibraahim (Dhego), isla markaana ah ganacsadaha iska leh Super Market lagu magcaabo Nanies  oo deganaa gurigaa, ayaa safaaxada u sheegay in guriga laga kaxaystay Sadex  qof oo mid yahay Engineer u dhashay dalka Kenya, Nin Qowmiyada Oromada ee Ethiopia ah oo ilaalinayay guriga iyo nin uu sheegay inuu ka yimi dhinaca qurbaha.
Mr. Dhego, wuxuu sheegay in guriga uu xiliggaa ka maqnaa oo aanu laba habeen joogin, balse markii arrintaa loo sheegay uu isku deyey inuu goobta yimaado. Laakiin uu meel uu ka maro waayay askarta guriga ilaalinaysay markii hawlgalka lagu fulinayay, wuxuuna ku dooday in aanu garanayn sababta sidaa xili saqdhexe ah loogu baadhay ee loogu weeraray gurigiisa oo ay dadka maatada ahi hurdeen, kuwaas oo uu sheegay inay caruurtiisa iyo dumarkii guriga joogay qol isugu geeyeen oo ay si arxandaro ah ula dhaqmeen. Sidaana ku kaxaysteen sadexdaa qof.
“Abaara kowdii habeenimo ayay Ciidamaddu galeen gurigaasi waxaanay fitir-faatir u qaadeen wixii Agab ahaa ee Gurigaasi yaalay, iyagoo Dumarkii iyo Carruurtii qol inta ay isugu geeyeen Albaabadii kale jajabiyay, isla markaana baadhay meel kasta oo guriga iyo agagaarkiisa ah, mana garanayo sababta sidaa loo yeelay.” Ayuu yidhi.
Sidoo kale Hodan Xasan Aw Libaax oo ah haweenayd iska leh guriga Boolisku  weeraray ayaa sheegtay in ay aan fahmi Karin sababta loo adeegsaday awooda noocan ah, iyadoo tidhi, “Dumarkii oo aad garanysaan qof hurda oo sariitooda dhex jiifa oo aan Xijaab iyo asturaad wadan ayay albaabaduu nagu wada jabiyeen , waxa aan caqli gal ahayn in dadkii waxaa sameeyay sababtii ay noo baadheen aanay noo sheegin , maxay naga rabaan illa hadda ma garanayno , saddex inan ayaa naga xidhan anagu baadhitaan maanaan diidan hadday nagu garaaceen albaabada cidna ma diideen” ayay Hodan Xasan.
Sadexda qof ee laga qabtay gurigaa, ayaa la geeyay saldhig  ku yaal dhinaca Koonfureed ee magaalada , kuwaas oo qoyska laga kaxaystay gurigooda ay sheegeen inaanay ka warhayn waxa loo kaxaystay iyo meesha la geeyay midna.
Dhinaca kale Taliska Booliska oo aanu isku daynay inaanu wax ka weydiino arrintaa ayaa ka gaabsaday  inay ka jawaabaan dhibta ay tirsanayaan qoyska deganaa gurigaa iyo sababta saqda dhexe loo hujuumay.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *