Hargeysa(ANN)Huteelka Fish and Stake  Restaurant (Obama) , ayaa caawa xili danbe dab ka kacay, kaas oo khasaare u geystay Huteelkaa oo ku yaal badhtamaha magaalada Hargeysa ee duleedka Woqooyi ee Dhakhtarka weyn. Dad goob joog ah oo

 

ka mid ahaa dad u dhow dhismaha Huteelka oo u gurmaday, ayaa u sheegay Araweelonews  inay gaadiidka Dab Damiska ee shirkadda Dahabshiil   soo gaadheen oo ay ku guulaysteen inay bakhtiiyaan.
Dadbkaa ayaan la ogayn waxa dhaliyay, balse waxa jira warar sheegaya inuu ka kacay xili danbe caawa dhinaca Kijinka iyo Hoolka  Huteelka oo markaa laga rawaxay, taas oo keentay inay dabaysha dhacaysay ee xaggaagu sii xoojiso inuu ku baaho Huteelka. Laakiin lama oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dabkaa oo dhawr saacadood socday, isla markaana ay la tacaalayeen Gaadiidka dab Damiska ee dahabshiil iyo ciidanka Boolisku. Mulkiilayaasha Huteelka ayaanu  isku daynay inaanu wax ka weydiino balse nooma suurka gelin.
Sanadihii u danbeeyay magaalada Hargeysa, ayaa si xawli ah u fiday, iyadoo lagu soo kordhiyay dhismayaal dhaadheer,  guryo qurux badan  iyo Huteelo, balse waxa aanay magaalada caasimada Somaliland ee Hargeysi  haysan gaadiid khaas ah oo ka hortaga, ama gurmad ka geysta dabka noocan oo kale ah, waxaana inta baddan usoo gurmada guryaha iyo goobaha dabku ka kaco xiliyadan oo kale gaadiidka shirkadda dahabshiil, kuwaas oo meelaha qaar ay ku adkaato inay galaan, sababo wadooyinka la xidhiidha iyo saxmada gaadiidka maalintii. Sidoo kale  baaxada kala fogaanshaha ee magaalada awgeed, ayaa sababa inay suurta gal noqonweydo inay goobaha dabku ka kacaa helaan gurmad deg deg ah.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *