bre1Hargeysa(Araweelo News Network) Kulan saacado badan qaatay oo hogaanka Kulmiye iyo Gudida fulinta iyo xubnaha wasiiradda wadaada awooda badan ee

 

xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo uga socday guriga Madaxweyne Xigeenka ayaa ku dhamaaday  in gudida qaban-qaabada ee shirweynaha lagu kordhiyo xubno kale oo dheeraad ah, kuwaas oo aan ku jirin 19 xubnood oo Gudoomiyaha Kulmiye Muj. Muuse Biixi hore u magcaabay, isla markaana Madaxweyne Siilaanyo ku raacay, balse ay kooda wasiiradda awooda badan ee loolanka ugu jira sidii ay hiogaanka xisbiga ula wareegi lahaayeen ka abuureen buuq iyo sawaxan.

Kulankaa Maanta oo ahaa mid ka dhashay muranka iyo xiisada ay kiciyeen kooxda Wasiiradda ah ayaa dhamaaday dood adag iyo mawaaqif kala duwan oo mararka qaar abuurayay ismaandhaaf kadib, waxaana warar hordhaca oo kulankaa la xidhiidha shebekaddaha Arraweelo.com iyo Araweelonews.com sheegeen in laysla ogolaaday ugu danbayntii in sideed xubnood lagu daro gudida qaban-qaabada iyo sidoo kale todoba xunood oo lagu daro gudida fulinta.

Shir ja’aaid oo ay wada jir qabteen dhinacyada ka qaybgalay kulanakaa kala soco goor dhow halkan.

info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *