Ceergaabo(Araweelo News  Network) Taliyihii Qaybta Booliska ee gobolka Sanaag oo ay weheliyaan ciidan ka tirsan Booliska ayaa daad ku qaaday galabta meel lagu magcaabo

Uur Madaxweyn oo ku taala deegaanka dhinaca gubanka ee u dhexeeya Magaalada Ruggey iyo  Magaalada xeebta ah ee Maydh.

Sida ay sheegeen warar kala duwan oo aanu ka helay dadka deegaanka  Taliyaha Qaybta Gobolka Sanaag Xasan Ismaacil  Yuusuf ( Gamca-yere) iyo askarta la socotay ayaa ka badbaaday daadka, balse waxa uu qaatay oo badda ku daray gaadhigii ay wateen, mana jiro khasaare kale oo soo gaadhay Taliyaha iyo ciidanka la socday sida ay sheegayaan wararka la xidhiidha dhacdadaa, waxay Taliyaha iyo ciidankiisu u socdeen  xiligga daadku qaaday dhinaca magaalada Xeebta ah ee Maydh oo ay hawlo shaqo ugu baxeen, iyagoo ka baxay Magaalada xarunta u ah gobolka Sanaag ee Ceergaabo.

Dhinaca kale dadka deegaanka ayaa u sheegay shebekaddaha Arraweelo .com iyo Araweelonews.com in roobab waaweyn  ay ka da’ayeen ilaa shalay deegaamadaa, balse ay maanta roobabka oo inta badan ka da’ayay deegaanka Buuraleyda Sil-silada Golis iyo dhulka gubanka ah ee Xeebta xigga.

In kasta oo ay adagtahay in warar laga helo deegamada  qaarkood isgaadhsiinta oo liidata awgeed, balse mana jiraan ilaa hada wax khasaare ah oo ay geysteen roobabkaasi inta la ogyahay.
Info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *