Adis-ababa(ANN) Alla hawnaxariistee  waxa maanta ku geeriyooday cusbitaal ku yaal dalka Ethiopia Marxuum Maxamuud Axmed Cali oo lagu naanaysi jiray (Af-qalooc), kaas oo ahaa Aqoonyahan hore uga tirsanaan jiray golihii wakiilada Somaliland ee hore, isla markaana ka mid ahaa xubnaha

 

ugu fir-fircoonaa mudanayaashii xiligaa ee golaha.
Maraxuum Maxamuud Axmed Cali oo dhowaan dalka dib ugu soo laabtay kadib markii uu mudo dhawr sannadood ah ku maqnaa dalka Britain, ayaa dhowaan la geeyay cusbitaal dalka Ethiopia ah. Iyadoo   xaalad caafimaad daro haleeshay, balse waxa uu ku geeriyooday halkaa marxuumku. Waxaana maalmaha soo socda lagu aasayaa magaalada Hargeysa.

 

 

 

Alla hawnaxriistee Marxuum Maxamuud waxa uu ahaa  xubnihii golaha wakiilada ee hore ugu fir-fircoonaa, wuxuuna    badhtimihii sannadkii 2001 hormood u ahaa koox mudanayaal dhawr iyo sodon gaadhayay oo Madaxweynihii hore Marxuum Cigaal kusoo oogay mooshin ku saabsanaa  khiyaamo qaran iyo  maamuus ka xayuubin , taas oo markii  doodeedu mudo ka socotay golihii  wakiilada  ee xiligaa cod loo qaaday. Sidaana lagaga guulaystay kooxdii mooshinka wadatay oo codkii loo baahnaa ka waayay golaha.  Sida ka muuqata sawirka oo ah toban sannadood ka hor Gudoomiye xigeenkii koowaad ee xilgaa golaha C/qaadir jirde oo gudoominayay doodii mooshinkaa ayaa ka dalbaday labada kooxood ee xildhibaanadu inay laba xubnood  oo metela soo saaraan. Ka hor  intii aan codka loo qaadin mooshina, waxaana labada dhinac soo saareen labada xildhibaan ee taagan oo kala ah Alla hawnaxariistee   Marxuum Beydaani iyo Marxuumka hada geeriyooday Maxamuud Axmed Cali. Iyadoo taariikh nololeedkii marxuumka aanu dib idiinku soo qori doono intii suurta gal ah.
Sawirakan waxa uu ka mid yahay  aarkiifiyada shebekada wararka ee Araweelonews. Waxaana xiligaa qaaday  Tafaftiraha  Araweelonews  Carraale M. Jama .
Shebekada Araweelonews waxay taci tiiraanyo leh u diraysaa qoyskii , qaraabadii,  Ehelkii iyo intii aqoonta u lahayd marxuumka, waxayna illaahay uga baryayaan inuu jannadii fardawsa ka waraabiyo qoyskii iyo asxaabtii uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo. Inaa lilaah wa inaa ilayhu raajiciin.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *