Laascaanood(ANN)Guddoomiye Ku Xigeenka Gobolka Sool Maxamed Aadan Cartan, ayaa maanta ka badbaaday qarax lala beegsaday oo la doonayay in lagu khaarajiyo xili  uu ka yimi  xarunta maamulka Gobolka Sool kuna sii jeeday Gurigiisa magaalada Laascaanood, sidaana

 

waxa shabakada wararka ee Araweelonews u xaqiijiyay Badhasaabka Gobolka Sool Cabdilaahi Jaamac Diiriye.
Badhasaabka oo ka hadlay qaabkii uu qaraxaasi u dhacay waxaanu yidhi “Maanta duhurkii anigoo xafiiska fadhiya ayuu Guddoomiye Ku Xigeenkayagii uu kaxaystay Gaadhigaygii si uu ugu rawaxo markii Guddoomiye Ku Xigeenka, askari iyo dirawalkii gaadhigu ay sii socdeen dhexda oo aanay gaadhin gurigii Guddoomiye ku xigeenka ayaa waxa lagu qarxiyay Miino loo dhigay jidka dhinaciisa oo ahayd nooca lagu qarxiyo rimuudka. ILAAHAY mahaddii falkaasi waxa khasaare soo gaadhay gaadhigii laakiin cidna waxba kuma noqon oo masuulkii iyo dadkii kale ee la socday way ka badbaadeen.” Ayuu yidhi.
Badhasaabka Gobolka Sool waxa uu falkaasi ku tilmaamay mid waxshinimo ah oo lagu bartilmaameedsanayay masuuliyiinta maamulka Gobolka.waxa uu sheegay inay maamul ahaan ku shaqaynayaan duruuf adag oo nabadgelyo, balase  ay ka guulaysan doonaan dadka nabadgelyo darrada ka wada gobolka Sool.
Magaalada Laascaanood ayaa sannadii u danbeeyay lagu khaarajiyay qaraxyo iyo dilal qorshaysan, kuwaas oo lagu khaarajiyay in ka baddan 13 masuul oo ka mid ahaa saraakiisha gobolka Sool ee Somaliland.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *