Hargeysa(ANN)Guddida fulinta ee Rugta Ganacsiga, Wershaddaha iyo Beeraha Somaliland ayaa doortay Guddoomiye cusub.  ka dib markii uu dhawaan geeriyooday Guddoomiyihii Rugtaa Marxuum  C/raxmaan Faarax Sugaal. Kulan ay maanta
ku yeesheen Guddida fulinta ee Rugta Ganacsiga xaruntooda waxay  Guddoomiye ugu  doorteen Xasan Cabdi Cawad, oo ahaa Guddoomiye Ku Xigeenkii koowaad ee rugta ganacsiga, waxayna  sheegeen in doorashada guddoomiyaha loo raacay  sida uu  dhigayo Qodobka 12-aad ee xeerka guddida rubta ganacsiga   Xeer Lr:35/1993.  Sidaa awgeed ay go’aankaa  gaadheen  25 xubnood  oo ka mid ah Golaha Rugta Ganacsiga, iyadoo ay doorashada guddoomiyaha cusub  ansixiyeen 7-da xubnood oo rugta Ganacsiga iyo warshaddaha ah.
Sidoo kale waxa kulankaa lagu doortay  Guddoomiye ku  Xigeenka koowaad ee Rugta ganacsiga oo  loo doortay Maxamed Shugri oo ahaa Guddoomiye Ku Xigeenkii labaad.
“Rugta ganacsigu aanay ahayn meel siyaasadeed, balse waa rug ganacsi iyo Naadi ay leeyihiin dadka ganacsatada ahi, markaa waxaan rajaynayaa in aan xilkaa ka soo bixi doono,”ayuu yidhi Guddoomiyaha cusub Mr. Xasan Cabdi Cawad oo la hadlayay saxaafaddu.
Sidoo kale, waxa ka hadlay kulankaasi Xoghayaha Rugta Ganacsiga, warshadaha iyo Beeraha Cabdilaahi Diiriye Jaamac, oo sheegay in ka waramay in doorashadani ay waafaqsan tahay sharciga u yaala rugta isla markaana si loo dardar geliyo hawl maalmeedka Rugta Ganacsiga loo doortay Guddoomiyaha cusub.
waxa kale oo Xoghaya Rugta Ganacsigu ka soo saaray doorashadan warsaxaafadeed u qornaa sidan:-“Rugta Ganacsiga, Wershaddaha iy Beeraha ee Somaliland, waxay shaaca ka qaadaysaa in Guddiga Fulinta ee Rugta Ganacsiga Shirkii caadiga ahaa ee ay yeesheen 18/04/2011, waxay soo saareen go’aanka hoos ku cad:
Guddiga Fulinta ee Rugta Ganacsiga, Wershaddaha iyo Beeraha ee Somaliland, markay qaddariyeen duruufaha la soo dersey waqtigan Maamulka Rugta, markey arkeen qodobka 12-aad Farqaddiisa 6-aad ee Sharciga dhismaha Rugta Ganacsiga ee Lambar. WG35-251093 ee 25-10-1993, ay tixgaliyeenna baahida weyn ee hortaalla hawl socodsiinta iyo xil-gudashada Rugta Ganacsiga, waxay si waafaqsan Sharciga Rugta ku wareejiyeen xilka Guddoomiye-nimada Md. Xasan Cabdi Cawad, ahaana Guddoomiye ku-xigeenkii koowaad ee Rugta laga bilaabo taariikhda 18/04/2011.”
Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *