Djibouti(ANN) Alla haw naxariistee X oghayihii Xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye Marxuum  Keyse Xasana Cigge ayaa ku geeriyooday dalka Djibouti . markii Cusbutaal loola cararay, isagoo xaaladiisa caafimaad liidato maalmihii lasoo dhaafay, balse uu maanta ku geeriyooday  halkaa. Sida ay shebekada wararka u  xaqiijiyeen

 

qaar ka mid ah eheladiisa oo la socday xaaladiisa Caafimaad.
Marxuum Keyse Xasan Cigge oo  safar kasoo laabtay dalka debediisa ah dhowaan, wuxuu u geeriyooday xanuun dhinaca Beerka ah oo uu lahaa iyo dhiigkar kusoo kordhay. Marxuum Keyse wuxuu aahaa aqoonyahan dhowaan kasoo laabtay qurbaha, wuxuu siyaasada kusoo biiray dhawr sannadoo ka hor markii loo magcaabay xilkaa Xoghayaha  guud ee Xisbiga Kulmiye  March 2008  shirweynhii Xisbiga Kulmiye oo xiligaa ahaa xisbiga ugu awooda baddan ee mucaaridka, balse ku guulaystay doorashadii 26 Jun, 2010 ka qabsoontay Somaliland.
Marxuumka ayaa la filayaa in maydkiisa loosoo qaado Somaliland oo lagu aaso Hargeysa  maalinta berito alla haw naxariistee taariikh nololeedkii marxuumka waxaanu kasoo dib ayaanu kasoo  gudbin  doonaa.

Dhinaca kale Madaxweynaha JSL Mudane  Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu tacsi u dirayaa Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii, Xisbiga Kulmiye iyo Dhamaan Shacbiga Reer Somaliland, isagoo ka tacsiyadaynaya Geerida Naxdinta leh ee ku timi Xog-hayihii Xisbiga Kulmiye MARXUUM, Keyse  Xasan  Cigge  oo ku geeriyooday Waddanka Jabuuti manta oo Taariikhdu tahay 17-07-2011.

Madaxweynuhu wuxuu  ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Dhamaan Shacbiga Reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Sidoo kale  Shebekada Araweelonews waxay tacsi tiiraan leh u diraysaa qoyskii, qaraabadii, ehelkii  iyo ummada Somaliland ee uu ka baxay marxuumku, waxayna Illaahay uga baryayaan inuu samir iyo iimaan ka siiyo, marxuumkana Illaahay jannadii fardawsa ka waraabiyo .

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *