Laascaanood(ANN)Koox Dablay ah oo aan la aqoonsan  ayaa galabta fiidadowgii dil toogasho ah ku fuliyay  Sahra Cilmi oo ahayd haweenay ka tirsanayd Ciidanka Booliska Somaliland, isla markaana la shaqaynaysay qaybta Baadhista

 

Denbiyada ee (CID).
Haweenaydaa  sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan ciidanka amaanku waxa laga toogtay madaxa. Kadib markii dabley hubaysan oo aan ilaa hada la aqoonsan  kuwa ay yihiin iyo tiradoodu tacshiirad rasaas ah kala beegsadeen madaxa, taas oo ay u geeriyootay. Ma jiro cid loo qabtay falkaa dilka, iyadoo ay labadii sannadood u denbeeyay falal shirqoolo dilal ah halkaa ka fulinayeen kooxo aan weli la aqoonsan, kuwaas oo xiliyada maqribka la beegsada dilal qorshaysan masuuliyiinta iyo saraakiisha xukuumadda Somaliland eek u sugan xarunta gobolka Sool ee magaalada Laascaanood, isla markaana baxsada marka ay fuliyaan falalkaa.
Haweenaydan ayaa noqonay tii labaad ee  sidan oo kale wax ka yar saddex todobaad 30  Jun 2011 shirqool dil ah lala beegsado, waxaana   kooxaha qaska iyo ugaadhsiga dadka ka wada halkaa Falkaa  Foosha xun oo kale ku fuliyeen Nadiifo Maxamed (Col U Joog) oo ah haweenay u ololaysa Nabada iyo sidii xasilooni iyo horumar loo gaadhsiin laaha gobolka Sool.
Kadib markii  tacshiirad lala beegsay goor fiid ah  Khamiistii u danbaysay Jun  2011, Nadiifo oo ah gudoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka iyo Dhalaanka Somaliland ee (NOW), isla markaana ah dadka u dhaqdhaqaaqa nabada ayaa la rumaysan yahay inuu la xidhiidho baaqyada nabadeed ee ay   si cad uga hadlaysay mudooyinkii u danbeeyay fowdada iyo xasilooni darada ka jirta halkaa, iyadoo ku baaqaysay in aanay dagaalka iyo qaska ka socda Laascaanood dani ugu jirin bulshada gobolka. Sidaa awgeed loo baahanyahay in la qaato nabad si horumar loo gaadho, waxaana halku dhegyadii ay ka jeedisay kulamo uu gobolka ka sameeyay Wasiirka warfaafinta Xaabsade ka mid ahaa  hadaladeedii “ Qurbajooga waxaan leeyahay Lacagta aad qoriga iyo rasaasta noo soo siinaysaan waxaad noogu bedeshaan Qalin iyo Buug caruurtayadu wax ha baratee.”
Marwo Nadiifo (Col U Joog)  oo dhaawac halis ahi soo gaadhay, balse lagu soo daweeyay  cusbitaal dalka Ethiopia ah ayaa hore kooxaha shirqoolada ka sameeya gobolka Sool u dileen Ninkeedii alla hawnaxariistee  Marxuum Maxamed Xirsi (Asad),oo ahaa   Taliyihii Sirdoonka  Gobolka Sool ee Somaliland oo  Goor caraways ah lagu dilay 7 March 2011 magaalada Laascaanood isaga iyo Taliye xigeenkii sirdooonka ee Sool Marxuum Carab Qawdhan iyo gabadh shicib ah.
Falalka shirqoolada ee laga fuliyo Laascaanood ayaa  hadda u muuqda inay kooxaha fulinayaa u jiheeyeen dhinaca Haweenka , iyagoo labadii sannadood ee u danbeeyay in ka baddan labaatan qof oo masuuliyiin ah sidan oo kale ku fuliyay falal shirqool dilal ah, kuwaas oo aan inta baddan ciidanka amaanku cidna u qaban oo aan ka hortag iyo ka dabatag midna lahayn.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *