Hargeysa(ANN)Markab shidaal u siday shirkadda  Re Sea ee ka ganacsata  shidaalka ayaa maanta laga afduubay  duleedka meel magaalada Boosaaso ee Dekeda ah,  meel qiyaastii  90 Mayl  u jirta. Kadib markii ay weerareen kooxaha  budhacad  badeeda ee ka qawlaysta marinka Biyaha

 

gacanka cadmeed iyo  badweynta India, kuwaas oo u jiheeyay markabkaa fadhiisimodooda ku yaala xeebaha Somalia ee kulaalaya Badweynta Hindiya.
Markabkaa oo shixnad shidaal ah u siday Shirkada Red Sea waxa ay wararka la xidhiidha afduubkiisu sheegayaan inuu usoo jeeday dekeda magaalada Boosaaso oo uu qayb ka mid ah shidaalka ku shubi lahaa, iyadoo ay qayb ka mid ah shirkadda Red Sea ku leedahay halkaa oo mulkiilayaasha shirkadda  qaarkood degan yihiin, balse waxa markabkaa oo lagu magcaabo  MTJuba,XX   oo ka diiwaan gashan dalka Imaraadka laga qabtay  markii uu soo galay biyaha Boosaaso maalintii Jimcihii 15 july 2011, laakiin kooxda Busdhacada afduubtay ayaa ka jaray isgaadhsiinta, taas oo keentay in maanta la ogaado afduubkiisa. Kadib markii ay shirkadda xafiisyadeeda Boosaaso iyo Berbera lasoo xidhiidheen.
Markabkaa ayaa sida ay warar xog ogaal u ah oo ku dhow dhow mulkiilayaasha shirkadda wuxuu siday  3500 (sadex kun iyo shan boqol ) oo Tn oo shidaal ah, iyadoo shirakadu ugu talo gashay shidaalkaa Somaliland iyo Maamulka Puntland . qaar ka mid ah masuuliyiinta shirkadaa ee dhinaca Somaliland oo aanu isku daynay si aanu wax uga weydiino markabkaa ayaanay  noo suurta gelin. Maaha markii ugu horaysay ee ay budhcad badeedu afduubaan markabkaa shidaalka usoo qaada shirkadda Red Sea, balse hore ayay sidan oo kale u afduubeen isagoo sida shixnad shidaal ah, balse waxa lagu soo furtay xoog iyadoo aan wax madax furasho ah laga bixin.
Afduubayaasha maraakiibta iyo gaadiidka badda ayaa   isku deyey inay afduubaan lixdii bilood ee sananadkan  hawlgal, 243, waxayna sababeen  hawlgaladoodu 154 waxyeelo, iyagoo ku guulaystay 26 Markab oo ka mid ah kuwa ay  hawlgaladaa ku qaadeen, iyagoo afduub u haysta dad gaadha 362 qof oo saarnaa maraakiibtaa, kuwaas oo ay ku hayaan xeebaha Somalia ee usii jeeda dhinaca badweynta India oo ay xarumo ku leeyihiin.  
Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *