xasan siciid1Hargeysa(Arrweelo News Network)Xoghayaha Guud ee xisbiga tallada dalka haya ee KULMIYE Xasan Siciid Yuusuf, ayaa sheegay in shirkii Golaha Dhexe ee xisbigaa oo

 

hore ugu mudaysnaa maanta oo taariikhdu tahay 24/06/2014,  dib loo dhigay illaa 05/08/2014-ka, ka dib markii sida uu sheegay Madaxweynuhu sidaa ka codsaday fadhi uu maanta isugu yeedhay Hoggaanka xisbiga.

Xoghayaha KULMIYE, waxa uu sidaa ku sheegay War-saxaafadeed kooban oo uu soo saaray, kulankaa ka dib, kas u qornaa sidan:- “UJeedo: Wargelin,  shir uu isugu yeedhay maanta oo taariikhdu tahay 24/06/2014,  Madaxweynaha Somaliland Xubnaha Golaha Hoggaanka Xisbiga, kagana codsaday in shirkii Golaha Dhexe ee mudadiisu ku ekayd maanta oo ah 24/06/2014 dib loo dhigay mudada lagu jiro Bisha Ramadaan.

Sidaas darteed, Xubnaha Hoggaanka ku joogay intooda badan (majority), waxay ka aqbaleen madaxweynaha codsigaas isaga ah.Waxaanay go’aamiyeen in shirka dib loo dhigo illaa inta lagu gudo jiro bisha Ramadaan, iyadoo la qaban doono 05/08/2014.” Ayaa lagu yidhi qoraalka kooban ee uu soo saaray xoghayaha guud.
Hase yeeshee warar laga helay kulankaa ayaa sheegay in uu ahaa mid buuq iyo sawaxan ka abuurmay. Kadib markii soo jeedinta Madaxweynaha uu ka jawaabay Gudoomiye Muuse Biixi, taas oo sababtay in Gudoomiye Xigeenka sadexaad ee Xsbiga Waabeeyo iyo Gudoomiye xigeenka Afraad Cabdiraxmaan Talyanle oo uu weheliyo Xoghayaha xisbiga ugu hanjabeen Gudoomiyaha in xilka laga qaadi doono haddii aanu u hogaansamin soo jeedinta, waxayna xogahaas iyo tibaaxaha laga helay kulanakaa sheegeen in Xildhibaan Waabeeyo weedho hanjabaad ah ku boobay Gudoomiyaha Xisbiga Muuse Biixi, taas oo sababtay in ka cadhoodo kulanka iyadoo aanay jirin wax go’aan ah oo laga gaadhay arrintaa.

khilaafka ka dhashay kulnkaa oo ka dhacay qasriga Madaxtooyada ayaa mar kale iftiimiyay in aan fari ka qodnayn khilaafkii hore u ragaadiyay Xisbiga ee mar kale soo csuboonaaday markii uu dhamaaday shirweynihii xisbiga dhowaan, kaas oo xalintiisa si weyn loogu hawlgalay, isla markaana xaflado kulamo casuumado ah oo loo haystay in lagu soo afjaray lagu qabtay madaxtooyadda dhawr maalmood ka hor, balse waxa muuqata in dhabada xisbiga Kulmiye hayaa tahay tii uu qaaday xisbigii ay xukunka kala wareegeen ee UDUB , kaas oo khilaafka hogaankiisu sabab u noqday inuu siqiiro.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *