goodax bareMuqdisho(Araweelo News Network)Wasiirka arrimaha gudaha dawlada Somalia Cabdullaahi Goodax Barre, ayaa ku eedeeyay Madaxweynihiisa Xasan Sheekh Maxamuud inuu ku dhaqaaqay

 

tallaabooyin uu ku tilmaamay kuwo sharcidaro ah oo aan waafaqsanayn nidaamka federaalka.

Wasiir Goodax Bare oo daba socday heshiis shalay lagu saxeexday Magaalada Muqdisho oo lagu sheegay in in lagu mideeyay maamul goboleedyada Baydhabo, islamarkaana lagu heshiiyay in loo bixiyo magaca “Maamulka Sedaxda gobol ee Koonfurta Soomaaliya”, waxa uu sheegay in aanay waxba ka jirin arrintaa.

Sidaana waxa uu ku sheegay wareysi uu siiyay idaacadda BBC-da laanteeda Afka Soomaliga, isagoo yidhi, “Heshiiska la sheegay in laga gaadhay khilaafka maamulka Baydhabo waa sharci darro,  mana aha wax xaqiiq ah ee waxaa la doonayaa in dadka lagu jiha wareeriyo”ayuu yidhi Cabdullaahi Goodax Barre.
Waxa uu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh si sharcidaro ah faragelin ugu sameeyay shaqadii wasaaradda Arrimaha Gudaha, isla markaana nidaamkii iyo kala danbayntii luntay oo ay xukuumaddu ku kala warqaadato warbaahinta, isagoo yidhi, “Waa wax iska nasiib darroah in hoggaankii dalka ay shaqadii wasaaradaha soo farageliyaan, kadibna warbaahinta lagu kala warqaato,arrimaha Federaalka iyo dhismaha maamullada wasaaradayda ayaa mas’uul ka ah,mana jirto wax xal ah oo laga gaadhay khilaafka maamul goboleedyada”ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha gudaha Somalia Mr. Goodax Barre.

Dhawaaqa Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa muujinaya in aanu jirin nidaam dawli ah oo ka jira Somalia, isla markaana waxa hadalka Wasiir Bare si cad u iftiimiyay maamul xumada xukuumadda Xasan Sheekh oo ah mid isku dhex daadsan oo  madaxweynaha iyo masuuliyiinta xubnaha ka ah dawladiisu aanay wax wadashaqayn ah lahayn.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *