masuuliyiinta Haatuf1Hargeysa(Araweelo News Network)Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex ee Hargeysa ayaa saaka ku xukuntay Gudoomiyaha Wargeyska Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe

 

saddex sananood oo xadhig. Sidoo waxay xadhig afar sanadood ah ku xukuntay Tafaftirihii Wargeysa Hatuuf Axmed Cali Cige.
Madaxkamadda ayaa sidoo xukunkeeda ku sheegtay in in Wargeyska Haatuf lagu xukumay ganaax 50 mly oo lacagta Somaliland ah, isla markaana lagala noqdo ruqsadii Wargeyska.

Subaxnimadii hore ayaa la xidhay wadooyinka gala dhismayaasha Maxkamadda Gobolka iyo Degmada, waxaana la filay in shalay oo hore loogu mudeeyay go’aanka Maxkamadda lagu dhawaaqo, balse saaka ayaa si lama filaan ah loogu dhawaaqay go’aanka.

Go’aanka Maxkamadda oo uu ku dhawaaqay garsooraha qaadayay dacwadaa, ayaa go’aankiisa ku sababeeyay kadib markii sida uu ku dooday ay faafiyeen warar been abuur iyo khal-khal gelin ah oo waxyeelaya amaanka iyo qaranimda Somaliland.

Go’aankan aya noqonaya kii ugu adkaa ee ay la kulanto warbaahinta Somaliland tan iyo markii ay Somaliland dib ula soo laabatay xoriyadeedii 1991.

Suxufiyiinta iyo dadka ka hawlgala warbaahinta madaxa banaan ee Somaliland ayaa go’aankaa u arka mid si weyn u khilaafsan cadaaladda iyo garsoorka dalka, isla markaana u muuqda go’aan aan waafaqsanayn xeerka saxaafadda Somaliland oo dhaqan gal ah, balse aan loo raacin dacwadaha suxufiyiinta loo haysto.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *