London(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo iyo wefdi uu hogaaminayo oo ku sagan dalka Britain ayaa kulan la yeeshay Xoghaya Arrimaha Debeda ee Britain  William Hague oo xafiiskiisa ku qaabilay maanta Madaxweynaha Somaliland iyo

wefdigiisa. si ay laba dhinac uga wada hadlaan arrimo badan oo la xidhiidha amaanka, iskaashiga Somaliland iyo Britain iyo xidhiidhka taariikhiga ah ee dhowaan mad madawgu ku yimi. 

Madaxweynaha Somaliland oo ay Wahelinayeen Wasiirrada Arrimaha debeda Dr. Maxamed Cumar iyo Wasiirka Qorsheynta Qaranka Dr. Sacad Shire,waxa ay Mr. William Hague ka wada Hadleen,Xaalada Nabadgalyada ee Somaliland,iyagoo Sii gaara Farta Fiiqay Heerka Nabada iyo Xasiloonida ay Jamhuuriyada Somaliland Ku soo Naaloonaysay Muddo Ka badan Kow iyo Labaatan sanadood iyo Sidoo kale heerka Maamul iyo Kala dambeyn ee Dalka ka hana qaaday,iyo Sidii Kor Looga sii qaadi lahaa Arrimahaasi.

Madaxweynuhu waxa uu uga mahad naqay Xoghayaha Arrimaha Debeda Mr.Heeg Taageerada wax ku oolka ah ee Ingriisku u fidiyo Somaliland,Isagoo intaasi ku daray in Kaalmada dawlada Britain ay siiso Somaliland ay wax weyn ka tarto Arrimaha Bulshada,amaanka iyo geedi socodka dimiqraadiyada Somaliland.

Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo Iyo Xoghayaha Arrimaha debeda ee Britain waxay hoosta ka xariiqeen,doorka muhiimka ah ee Somaliland ka ciyaarto dagaalka lagula Jiro Aragixisada,iyaga oo xusay in Hadalkii Dhawaan ka soo baxay dawladda Ingriiska ee ahaa mid  dadka reer galbeedka ee ku sugan Somaliland lagula taliyay  inay Khatar ku jiraan,ay Arrintaasi Dib u eegis ku sameyn doonaan, Hay’addahooda Amaanka ee Labada Dal,isla markaana ay Hawl-gal wada Jir ah ka samayn doonaan wixii dhinaca nabadgelyada ah ee looga cabsi qabo inay waxyeelaan amaanka labada dal iyo mandaqadaba.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *