Hargeysa(ANN)Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa markii u horeysay ka hadlay xadhiga Haweenay lagu magcaabo Nadra Maxamed Jaamac oo kiiska dacwadeedu horyaal Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex. kadib markii lagu eedeeyay fariimo

 

cay qoraal ah oo ay wasiirka Madaxtooyadda u marisay Mobile SMS-ka sidaana xabsiga loo taxaabay.

Xadhiga Haweenaydaa iyo kiiskeeda ayaa abuuray doodo dhinaca rayal caamka kaga imanayay wasiirka madaxtooyadda oo qaarkood loo mariyay warbaahinta, balse Wasiirka Madaxtooyadda ayaa markii u horaysay cay ay ka hadlay dhacdadaa, isla markaana sharaxaad ka bixiyay sababta loo xidhay haweenaydaa, isagoo dhinaca kalena ka dareen celiyay hadal haynta lagu canbaaraynayo xadhiga gabadhaa oo uu sheegay inay cay laf-jab ah u geysatay isaga iyo Madaxweynaha iyo Marwada.

Wasiirka Madaxtooyadda Xirsi Xaaji Cali oo hadal ka jeediyay maanta xaflad Xisbiga KULMIYE u sameeyay Urur siyaasadeedkii DALSAN oo ku soo biiray, wuxuu isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi “Waxaan jecelahay inaan kalmad ka idhaahdo arrin laga yaabo in reer KULMIYE in badan Isoo weydiiyeen oo ahayd, inan (Gabadh) xabsiga ku xidhan oo la tilmaamo inay xaq darro ku xidhan tahay, taas oo aan tilmaan kooban ka bixinayo. Waa sax cidii isoo weydiisay iyo cidda laga yaabo inay is weydiiso maxaa loo xidhay?. Qofka xidhan in xuquuqul insaanka iyo bulshaba loo wada doodo oo la yidhaahdo qofkaasi ma dembi baa lagu xidhay,  mise sax baa lagu xidhay.” ayuu yidhi.

Wasiir Xirsi oo ka hadlaya fariimaha ay gabadhaasi usoo dirtay iyo nooca ay ahaayeen, wuxuu yidhi, “Gabdhaasi waxay soo dirtay oo naga soo gaadhay fariin fawaaxish ah oo aad u fool xun oo aan ahayn mid aan halkan idiinka sheegi karo, ama dhegihiinu maqli karaan. Laakiin qofkii u baahan qoraal ayay ku taallaa farriintii Hay’’addaha garsoorka iyo xuquuqul insaanka. Ciddii u baahan arrintaasi xogteeda waanu u dhiibaynaa. Laakiin waa arrin aad u fool xun oo aanan afka kaga dhiiran karin inaan halkan idiinka sheego. Waana wax anniga wax iga sheegaya, oo madaxweynaha wax ka sheegaya oo marwadda wax ka sheegaya oo masuuliyiinta kale ee qaranka wax ka sheegaya,”ayuu yidhi Wasiirka Madaxtooyaddu.

Wasiirku waxa uu sheegay in fariimaha cayda ah ee ay gabadhaasi  Mobile-ka SMS-ka uga soo dirtay ay ahayd mid aad u fool xun, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “Caydani waa mid laf-jab ah oo cirdiga iyo qoyska madaxweynaha iyo kayga wax ka sheegaysa, markaa ma doonayo inaan intaasi dhaafiyo. Waxaan leeyahay markaa waxa laga hadlay saxaafadda waxa lagu soo qoray warar badan oo odhanaya waa la dulmay, iyadoo aan la sugin garsoorkii. Waan maqnaa markii la qabtay inanta. Waxaanse dalka kusoo laabtay,  iyadoo dadka la geliyay in inantaas dulmi ayaa lagu xidhay. Ma jiro dulmi inantaa lagu xidhay. Aniguna masuul ahaan waan iska ilaaliyay in aan saxaafadda ka hadlo si aan loo odhan Wasiirku wuxuu majaro habaabiyay xukunkii dhacayay oo aan filayo in lagu dhawaaqo waxa uu doono ha noqdee.” ayuu yidhi wasiirka Madaxtooyadu.

Sidoo kale wuxuu ka hadlay sababta Xabsiyada loo sameeyay iyo waxa loogu talo galay, isagoo arrintaa ka hadlayana, wuxuu yidhi, “Jeelasha waxaynu u samaysanay qofka edaabta daran in lagu edbiyo, sharcigana waxaynu u samaysanay in qofkii khaladan lagu qabto,”ayuu yidhi Wasiir Xirsi.

 

Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *