Hargeysa(ANN) Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa ka talo bixiyay xaalada dalka Somaliland ee waqtigan iyo waxa la gudboon Madaxwyne Siilaanyo,. Wasiirkii hore ee Maaliyadda Somaliland Eng Maxamed waxa uu ka hadlay dhinacyada siyaasada

 

xukuumadda Madaxwyne Siilaanyo, dhaqaalaha dalka ee xiligan iyo arrimo kale,  wuxuuna kusoo qaatay qodobada qoraalkiisa shaqsiyaad aan qaranka xilal muhiim ah u hayn oo haddana qaata mushahar, kuwaas sida uu shegay  ay ka mid yihiin 20 masuul oo ku magacaaban la taliye Madaxweyne, 1,142 Caaqil oo mushahar qaata.
Waxa kale oo uu sheegay inay xukuumaddu kharash badan ku bixisay ololihii xisbiga kulmiye iyo ururo uu sheegay inay ay dano musuq-maasuq ka lahayd, oo xikmadda ka dambaysana uu ku sheegay, midna soo saar, midna rid. Ugu dambayn wuxuu Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo kala dooransiiyay laba qodobo oo kala ah inuu sameeyo isbedel deg deg ah iyo inuu is casilo, wuxuuna  qoraal dher  kaga hadlay arrimahaa..

Qoraalka Eng Maxamed Xaashi ayaa u dhignaa sidan:- “Wax la’aani ma jirto. Dalkuna wuu innagu filan yahay. Dakhliga Cashuurta berriga ee soo xerodaa yar. Wuxu ahaa 15 %, 2011kii oo u dhiganta; $83 milyan. Waxa DIHIN 85%. Kheyraad kalana wuu jiraa. Haddii si habsami ah loo ururiyo cashuuraha, iyada oo aan cashuur la kordhin, Dakhliga dihin ( 85%), muddo saddex sano gudahood, wuxu gaadhi karaa, shan boqol oo milyan ( $ 500 milyan).

:DHIBAATADA DALKU WAA, HOGAAN XUMO: MADAXTOOYADA / SHIR-GUDDOONKA LABADA GOLE (Wakiilada iyo Guurtida), OO ISKU-MILMAY IYO habsami socodkii maamul oo lumay.

Sidii aan hore u soo sheegnay, waxa la baal maray, DHAARTII, DASTUURKII IYO SHARCIGII DALKA. KALSOONIDII DADWEYNAHA LUNTAY.

Qod.39aad,Golaha Wakiiladu waa xubno ka wakiil ah dadweynaha, waana Qaybta 1aad ee xeer-dejinta, ansixinta xeerarka, oggolaanshaha iyo ilaalinta siyaasadda guud ee hoggaminta dalka.

Marka intaasi dhacday, maxay noqotay mudnaanta Xukuumaddu. NAAXINTA , MIISAANIYADDA MADAXTOOYADA IYO DAKHLI BADAN OO KU SOO HOYDA MADAXWEYNAHA. Taas oo ka go’an horumarka dalka iyo daryeelka dadweynaha.

Waxa Eebe, caad ka saaray madaxda sare ee Dalka, in kalsoonida dadweynaha lagu kasbo, Cadaaladda, daryeel iyo horumarka Dalka.

1. Fikirka ah, kalsoonida REERKA AMA QABIILKA, waxa la LAGU KASBI, wasiir ama mansab sare oo loo magacaabo. Waa xaaladda, maanta taagan, ee gaadhsiisay tirade wasiirada 34ka. Balan-qaadkii ololihi Xisbiga Kulmiye, wuxu ahaa, in aan laga badin; shan iyo toban (15) wasiir.

Waa sababta, dad aan shaqo loo dirin, mushahar loo siiyo. Labaatan (20) la taliye-Madaxweyne ee aan xaffiis lahayn.

Cuqaasha mushahar qaadataa waa; 1,142 caaqil, oo waxay qabtaan cidi aqoon.

Waxa intaa dheer KHARASH badan oo xukuumaddu ku bixisay ololihii xisbiga kulmiye iyo ururo ay dano musuq-maasuq ka lahayd. Xikmadda ka dambaysaa ahayd, midna soo saar, midna rid. Kharashka Ururka /Xisbigu, ma aha mid Qaranka saaran.

Madax iyo M/xige Miisaaniyadda Qaranka, ayay Xukuumaddu u isticmaashaa, si ka duwan talagalkii Goluhu ansixiyay. Adduun ka badan ( $21 milyan), ayaa ku lumay. Waxa jira HAY’ADO iyo Wasaaradda Macdanta oo ilaa Rayaale, MADAXTOOYADU si gaar ah, ayay ula macaamilaysay. Waa sababta aan heshiisyada shirkadahaa, aan loo soo gudbin G/Wakiilada inay ansixiyaan ama ogaadaan. Sidii aan Qaybtii labaad ku xusay,

shirkaduhu, way kala iibsadaan oo way kala macaashaan. Dalkuna kama helo: Fiigii Diiwaan gelinta, kiro-sannadeed, cashuurtii kala wareejinta iwm.

Dekedda Berbera oo madaxtooyadu ka qaaddo lacag inta ay rabto. Waa sababta Maareyihii hore ee macaamiladaa yiqiin loogu soo celiyay.

Sidoo kale Haamaha shidaalka, ee Berbera.

Fuel Levy Wadooyinka, oo ay dhowaan Madaxtooyadu la wareegtay, iyada oo quudaraynaysa deeqda dhismaha dariiqyada.

Gurmadka Qaranka iyo ka Ciidanka, oo hoos iman jiray miisaaniyadda ciidamada.

Daaweynta & Caafimaadka shaqaalaha Dawladda, oo hoos iman jiray w.maaliyadda.

Horumarka gobolka Sool iyo Sanaag-Bari 2%. oo ah slsh 24,000,000,000 ($ 4,000,000) sannadkii. oo tala-galkii laga leexiyay. Wuxu hoos iman jiray w/maaliyadda.

Kharashka Madaxtooyada ee miisaaniyadda 2011, oo dheer kii 2010 ka ee Rayaale 180% ($ 4,000,000). Affef; wakhtigii miisaaniyadda 2011 la samayay xanuun baan dibadda ugu maqnaa.

Madaxtooyadu waxa ay la kharash tahay ($ 6,300,000), toddoba wasaaradood oo muhim ah:-W.A.Dibadda, W. Cadaaladda. W. A.Gudaha. W. Warfaafinta, W. Qorshaynta, W.Kaluumaysiga iyo W/Diinta iyo Awqaafta. Waa aduun mug weyn leh.

Madaxtooyada Dhismaha ka socdaa, waa deeq aan la soo marin. W.Miisaaniyadda Qaranka.

MADAXTOOYADII WAXA AY LA GO’DAY, adduun ku dhow 25% miisaaniyaddii Qaranka. Maxaa lagu qabataa lacagtaas? LACAGTAASI  WAA WADDKA MAAMULKA, EE MADAXTOOYADII KA MASHQUULISAY  XILKII LOO IGMADAY, BAABI’SAY MUCAARADKII, FOOFTAAN HABAABISAY BAARLAMAANKII. WAA ADDUUN KA LUMAY DALKA.

MADAXWEYNAHA WAXA U YAAL, HAWLO KA MUHIMSAN AFFAR IYO TOBANKA QODOB EE KOR KU XUSAN. MAAMUL HAY’ADEED IYO MID LACAGEED BA. HA ISKAGA WAREEJIYO WASAARADAHA KU HABOON.  HA KU E’KAATO MIISAANIYADDA MADAXTOOYADA LOO QOONDEEYAY. DALKU SIDAN KUMA SOCON KARO. WAXA U FURAN MADAXWEYNAHA INNU SAMEEYO: IS-BEDDEL DHAKHSA AH AMA IS-CASILAAD DHAKHSO AH.” ayuu yidhi Eng Maxamed Xaashi Wasiirkii hore ee Maaliyadda Somaliland.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *