Yamen(ANN) Maamul goboleedka Puntland ayaa hub iyo saanad milateri kasoo iibsaday dhinaca dalka Yamen dabayaaqadii bishii Dec 2010 ee sannadkii dhamaaday. Sidaana waxa shebekadda wararka ee Araweelonews u xaqiijiyay warar ay ka heshay dhinaca dalka Yamen oo daah furay inay

koox dilaaliin ah oo kasoo jeeda maamulka Puntland ay Ciidamadda Badda ee Lixaad oo xaruntoodu tahay Gebel Sheekh Cali oo u dhaxaysa gobolada Koonfurta Yamen ee Abyan iyo Shiqwa kasoo iibsadeen hub iyo qalab kale oo Milateri.
Dad ku sugan dhinaca dalka Yamen oo la socday dhaqdhaqaaqa hawlaha ganacsi ee hubka ayaa u sheegay shebekadda wararka ee Araweelonews inay kooxda halkaa tagatay laba todobaad ka hor ay ciidamada Badda ee Yamen ka iibiyeen kooxdaa 24 gantaal oo ah nooca loo yaqaan Strela, kuwaas oo uu sameeyo Ruushku, isla markaana ah gantaalo lagu qaato garabka oo loo adeegsado Diyaaradaha iyo gaadiidka gaashaamanba.  Gantaalahaa ayaa sida ay xoggaha soo gaadhay shebekadda wararka ee Araweelonews sheegayaan la kala siistay midkiiba $ 1000 (kun Dollar) oo lacagta maraykanaka ah. Sidoo kale waxay Ciidamadda  dalka Yamen ka iibiyeen kooxdaa diiradaha habeenkii wax lagu arko oo lagu xidho qoryaha iyo qalab kale oo ay ku jiraan Telescoobyada  lagu eego dhaqdhqaaqyada ili maqabatayda ah, waxayna kooxdaa  ka socotay dhinaca Puntland kusoo rareen gantaalahaa iyo qalabkaa Milateri Doon kuwa kaluumaysadu inta baddan isticmaalaan ah, taas oo hubkaa iyo qalabka ula soo shiraacatay dhinaca xeebaha Puntland.
Hase yeeshee hubka noocan ah ayaa si cad loo hubin inay kooxda dilaalinta ahi usoo iibiyeen maamulka Puntland iyo inay usii gudbinayaan dhinaca magaalada Muqdisho  iyo kooxaha ka dagaalama halkaa oo iyagana inta baddan hub looga soo waarido dhinaca dalka Yamen, waxayna arrintani kusoo beegantay maalmo ka dib markii ay Xukuumadda Somaliland gacanta ku dhigtay Diyaarad ay wateen koox Ruush ah oo saannad Milateri u siday dhinaca maamul goboleedka puntland, taas qalabka ay siday iyo qalabka milateri ee laga soo iibsaday ciidamada Badda Yamen ee saldhiga lixaad ay isku nooc yihiin, Balse …. La soco
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist  
Araweelonews Somaliland Office     
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *