Hargeysa(ANN)Ciidanka Booliska Somaliland  ayaa xoog u isticmaalay shaqaalihii ku hadhay dhowaan imtixaankii laga qaaday ee Wasaaradda maaliyadda, kuwaas oo saaka barqadii usugu soo baxay mudaharaad ay kaga cabanayeen natiijadii Imtixaanka. kadib markii ay boodhadh

 

la horyimaadeen mudaharaadeyaashu xarunta wasaaradda maaliyadda  oo ah duleedka Madaxtooyada Somaliland.
Balse Ciidanka Bilayska ayaa xoog ku kala kexeeyay shaqaalaha cabanayay, waxayna u adeegsadeen budhadh iyo qoryaha dabadooda qaar ka mid ah oo ay gacanta ku dhigeen, iyadoo xabsiga loo taxaabay  qaar  badan oo ka mid ah shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda iyo xarunta Madaxtooyada Somaliland, isla markaana ma jirin cid masuuliyiin ah oo la hadashay shaqaalaha cabanayay ee isu soo baxa sameeyay oo sheegay inay muddo dheer shaqaynayeen.

Kooxda Shaqaalaha ee ku hadhay imtixaanka laga qaaday todobaadkii hore  oo ahaa 88-kii qof ayaa cabashadooda ku sheegay in  imtixaankii laga qaaday  aanu cadaalad ahayn,  isla markaana intii la doonayay la riday oo iyaga sidaa lagu reebay. waxay siteen boodhadh ay ku qoran yihiin halku dhigyo ay ka mid yihiin “Imtixaanku wuxuu ahaa mid aan cadaalad ahayn oo siyaasadeysan” iyo halku dhegyo kale oo ay ku xardheen cabashadooda.
Shaqaalihii wasaarada maaliyadda ee todobaadkii hore  u fadhiistay imtixaanka ayaa  tiradoodu ahayd 222 qof, kuwaas 103 ka mid ahi ku guulaysteen inay ka gudbaan Imtixaanka, balse waxa iyagu ku guuldaraystay  inay ka gudbaan 88 ka mid ahaa tiradaa oo natiijada kasoo baxaday Imtixaanka ka murugooday. Kadib markii ay dhaceen. Iyadoo 31 qof oo ka mid ah shaqaalaha wasaaraddu aanay iyagu weli gelin Imtixaan, balse ay sugayaan in laga qaado imtixaanka.
Waxaana soo baxay natiijada imtixaankaa ka dib cabashooyin la xidhiidha qaabka loo qaaday iyo waxyaabaha uu nuxur ahaan ka koobnaa imtixaanku oo ay shaqaalaha cabanaya ee gudbiwaayay ku doodayaan in aan xaq loogu lahayn. Sidoo kale shaqaalaha ku hadhay Imtixaankaa oo qaarkood mudo dheer ka shaqaynayeen wasaaradda ayaa maqlay warar aan xaqiiqda la hayn oo sheegaya in la eryay dadkii ku dhacay imtixaanka, isla markaana laga goynayo mushaharooyinkii ay qaadan jireen.
Hase yeeshee  Guddoomiyaha Ha’yada shaqaalaha dawlada Muxumed Aw Cabdi oo ka hadlay arrinta imtixaanka ayaa sheegay in shaqaalahaasi dhacay loo furayo tababar shaqo isla markaana ay dib ugu soo laaban doonaan shaqooyinkoodii. Waxase uu beeniyay in mushaharka laga jarayo.
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *