Hargeysa(ANN)Xiisad xoog leh ayaa ka dhashay markii saaka ay Dawlada Hoose ee Hargeysa isku dayday inay banayso jidka u dhaxeeya Saldhiga Ibraahim Koodbuur iyo Hotel Guuleed ee magaalada Hargeysa, Ganacsade Axmed Faarax Xarbi, oo ka mid ah maal qabeenadda waaweyn

ee dalka iyo masuuliyiinta dawladda Hoose ayaa isku maandhaafay  dayrka guri uu leeyahay ganacsaduhu  oo ay masuuliyiinta dawladda hoose sheegeen inuu soo galay wadada, isla markaana ay doonayaan inay dumiyaan, taas oo ganacsaduhu ku gacansaydhay.
Maayar Ku Xigeenka Caasimada Hargeysa Maxamed Cabdilaahi Uurcadde  oo hoggaaminayay hawl galkan waddo banaynta ayaa amar ku bixiyay in la dumiyo dayrka guriga ganacadahaa  oo ay horena dawlada Hoose u dumisay, balse  ay sheegeen in dib dhisay. Laakiin Ganacsadaha ayaa  ku dooday inaanu gurigiisu ku jirin wax waddo ah. Sidaa awgeed aanu aqballayn qorshaha ay wataan ee duminta gurigiisa.
Khilaaf iyo muran badan oo dhex maray dawlada hoose iyo ganacsadahaa, waxa markii danbe  soo dhex galay  oo isku dayay inay waan waan ka dhex abuuraan Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dr. Maxamed Cabdi Gaboose iyo Badhasaabka Gobolka Hargeysa Axmed Cumar X. Cabdilaahi (Xamarji), waxayna  goobtaa kulan kula yeesheen Maayar Ku Xigeenka caasimadda iyo Ganacsadahaa, balse  waan waantaa ayaa lagu guul daraystay markii labada dhinac mid waliba ku adkaystay inaanu ka tanaasulayn mowqifkiisa. Waxaana kulankaa  dibadda uga soo booday Maayar ku Xigeenka oo ku tiraabayay kalmado ay ka mid ahaayeen “Walaahi ma yeelayno in ganacsatada waaweyna waddooyinka laga duwo dadka danyarta ahna sharciga lagu fuliyo.” Wasiirka Arrimaha Guduhu wuxuu soo jeediyay hindise la xidhiidhay in laba mitir dayrkaasi laga dumiyo isla markaana la daayo 1 mitir oo qudha, waxase arrintaasi gaashaanka ku dhuftay Ganacsade Axmed Faarax Xarbi. Murankaasi wax xal ah lagama gaadhin waxaana maanta duhurkii lagu kala yimid faro madhan, waxase dawlada hoose ku adkaysatay inaanay daynayn dayrkaasi oo ay dumin doonaan maalmaha fooda inagu soo haya.
Xildhibaan Axmed Ibraahim Daahir (Axmed weyne) oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiilada ee laga soo doortay gobolka Hargeysa isla markaana ka soo jeeda xisbiga tallada haya ee KULMIYE oo goobtaasi tagay ayaa si kulul u naqdiyay Wasiirka Arrimaha gudaha waxaanu tilmaamay inay nasiib darro tahay inuu joomitir ka noqdo wadooyinka iyo jagooyinka dadweynaha. Waxa kale oo uu ku eedeeyay in shaqadii amniga ee dalku ay tahay baylah oo aanu waxba ka ogayn, hase yeeshee Wasiirku arrintaa dhegaha ayuu ka furaystay oo wax jawaab ah kama uu bixin eedaha iyo dhaliilaha Xildhibaankaasi u soo jeediyay.
Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Gudaha Dr. Maxamed Cabdi Gaboose oo uu weheliyay Maayar Ku Xigeenka caasimada Hargeysa Maxamed Cabdilaahi Uurcadde, ayaa saaka dhagax dhigay dhismaha waddo laami ah oo ay ka binaynayaan jidka 150-ka ee degmada 26-ka June ee magaalada Hargeysa, waxaana halkaasi lagu arkayay burburka dayrar badan oo ay leeyihiin dad danyar ah oo dawlada hoose dumisay markii la sheegay inay soo galeen jidka. Dadweynahaasi ayaa cabasho ka muujinayay burburka hantidooda loo geystay, hase yeeshee waxay xuseen inay ku khasban yihiin haddii waddo loo banaynayo xaafadooda.
Wasiirka Arrimaha Gudaha oo hadal ka jeediyay wadada 150-ka ee xaafadda woqooyiga magaaladda Hargeysa oo dawladda hoose dhagax dhigtay  ayaa  sheegay inay dhisme kasta oo waddo soo gala ay dumin doonaan, isla markaana aan cidna looga gabanayn dhismayaasha soo gala wadooyinka.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *