Hargeysa(ANN)Hase yeeshee hubka noocan ah ayaa si cad loo ogayn  inay kooxda dilaalinta ahi usoo iibiyeen maamulka Puntland iyo inay usii gudbinayaan dhinaca magaalada Muqdisho  iyo kooxaha ka dagaalama halkaa oo iyagana inta baddan hub looga soo waarido dhinaca dalka Yamen, waxayna

 

arrintani kusoo beegantay maalmo ka dib markii ay Xukuumadda Somaliland gacanta ku dhigtay Diyaarad ay wateen koox Ruush ah oo saannad Milateri u siday dhinaca maamul goboleedka puntland, taas qalabka ay siday iyo qalabka milateri ee laga soo iibsaday ciidamada Badda Yamen ee saldhiga lixaad ay isku nooc yihiin, Balse xoggaha wararka la xidhiidha hubkaa ayaan xaqiijin inuu yahay mid  maamulka Puntland u gacan gelaya iyo inay kooxda ka dagaalanta Buuraleyda duleedka dhinaca Galbeedka Boosaaso ee Gal-gala ee uu hogaamiyo wadaadka lagu magcaabo Sh. Maxamed Siciid Attam loo waday hubkaa. Sidoo kale ilawareedyadu ma qeexin inuu hubkaasu dhinaca Puntland uga sii gudbayo Koonfurta Somalia.
Hase yeshee waxa mudooyinkii u danbeeyay  si qarsoodi ah ugu qulqulayay dhinaca maamulka Puntland Hub iyo saanad Milateri oo ka imanayay meelo kala duwan, waxayna wararka arrimahaa la xidhiidhaa sheegayaan in hubkaasi intiisa baddan ka yimaado dhinaca Dalka Yamen, halkaas oo ay ganacsiga hubka iyo qalabka Milateriga ka baayacmushtareeyaan saraakiil ka tirsan Ciidamadda Dalka Yamen, kuwaas oo Hubka laga soo iibsado uu si toos ah mararka qaar uga soo dego Dekedda magaalada Boosaaso. Sidoo kale hubkaa ayaa qaar ka mid ah loogu gudbiyaa dhinaca Magaalada magaalada Muqdisho ee  Koonfurta Somalia iyo Gobolada dhexe oo ay kooxaha ka dagaalamaa gacanta ku dhigaan, iyadoo kooxaha ugaadhsada gaadiidka Badda ee Budhcad Badeeda oo gobolada Shiqwa, Abyan iyo Mukula oo ka tirsan Koonfurta Yamen lacagaha madaxfurashada ee  ay ka qaadaan gaadiidka maraakiibta ay qafaashaan maalgashi iyo ganacsi kaga sameeyaan qaar ka mid ah Magaalooyinka ku yaala gobolada koonfurta Yamen, kuwaas oo wixii hub iyo qalab milateri oo ay u baahdaana kasoo iibsada saraakiil ka ganacsada hubka oo ciidamada Yamen ka tirsan, kuwaas oo xidhiidhka iyo maacaamilka lala samaynayo ay fuduaysay lacagta malaayiinka dollar ah ee ay kooxaha Budhacad badeedu la tagaan halkaa.
Sidoo kale waxay xoggaha la xidhiidha arrimaha hubka ku qulqulaya xeebaha maamulka Puntland sheegayaan  inay markii ay dhowaan Xukuumadda Somaliland fashilisay Diyaaradda qalabka milateriga u siday shirkad  magaceedu yahay Saracen, oo lagu war helay dabayaaqadii Nov 2010  inay  ciidamo u tababary maamulka Puntland, waxa isa soo taraysay cabsida ay dawladaha waaweyn iyo kuwa gobolkuba ka muujiyeen hubka ku qulqulaya xeebaha magaalada Boosaaso iyo ujeedad shirkadaha shisheeye halkaa ka wada tababarka ciidamada, taas oo ay si weyn Maraykanku ugu muujiyeen walaac. Dabayaaqadii Nov, 2010  Todobaad ka hor  markii lagu warhelay hawlaha shirkada Saracen ka wado Puntland,  waxay ciidamadda Maraykanka ee ku sugan gacanka Cadmeed qabteen Doon  shixnad  Hub ah  u siday dhinaca Puntland oo kusoo jeeday Dekedda Magaalada Boosaaso.  Laakiin ma jiraan warar danbe oo sheegaya inay ciidamada maraykanku sii daayeen Doontaa  shixnada hubka ah siday iyo in kale.
Waxa kaloo ay wararka la xidhiidha abaabulka  iyo hubka ku qulqulaya dhinaca Puntland sheegayaan inay Dawlada Eretria kusoo biirtay hadda dalalka hubka kusoo guraya puntland ee Yamen iyo South Africa hormoodka u yihiin, waxayna dawladda Eretria todobaadyadii u danbeeyay usoo dirtay dhinaca Boosaaso Doon lagu soo shixnaday rasaasta madaafiicda, taas oo kasoo baxday Dekedda Casab, isla markaana martay duleedka xeebaha Somaliland, iyadoo usii jeeda dhinaca xeebaha Boosaaso.
Wararka la xidhiidha arrimahaa ayaa sheegaya in masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Somaliland lagu war geliyay markii ay Doonta siday rasaasta Madaafiicdu kasoo shiraaqatay Dekedda Casab, balse ay masuuliyiinta arrimahaa lala socodsiiyay iska dhega tireen digniinaha iyo fariimaha loo soo diray.   Dawladda Eretria  ayaa hore loogu eedayn jiray inay qayb weyn ku leedahay dagaalada ka socda Somalia, iyadoo lala xidhiidhiyo inay tababaro iyo hub siiso kooxaha Al-shabaab iyo Xisbul Islaam ee dagaalka kula jira dawladda taagta daran.
Sidoo kale waxa Eretria  lagu tilmaamaa inay aad ugu firfircoon tahay qaska iyo dagaalada geeska Afrika iyo inay gacan siiso jabhada ONLF ee dagaalka kula jirtay maamulaka Ethopia, kuwaas oo urur ahaan kala qaybsanaan weyni  ku timi  mudooyinkan danbe. Kadib markii garab ka mid ah jabhada ONLF heshiis la galay dawladda Ethiopia.  Talabaada dawladda Eretria waqtigan hubka ugu daabushay Puntland ayaa lala xidhiidhay inay ka danbaysay. Kadib markii Xukuumadda Somaliland  dabayaaqadii Sep 2010,  fashilisay mid ka mid ah marinadii ugu waaweynaa ee hubka iyo kootarabaanku u gudbaya kooxaha ka dagaalamaya Somalia iyo jabhada ONLF oo laga tahriibin jiray sannadii u danbeeyay xeebaha galbeedka Somaliland ee Saylac, balse ay marinadaasi xidhmeen wixii ka danbeeyay dablaydii kasoo degay halkaa Sep 2010, kuwaas  la sheegay inay ka yimaadeen dhinaca Eretria, isla markaana ay hada hubka iyo saanada milateri ee ay siinay Puntland doonayso inay kaga samaysato marin ay kaga dagaal gasho siyaasadeeda ku wajahan Geeska, maadaama ay wiiqantay jabhadii ONLF ee ku kacsanayd Ethopia oo ay u aragto cadawgeeda koowaad.
Si kastaba ha haatee waxay hubka ku qulqulaya Puntland ee ka imanaya Yamen, south Africa iyo Eretria  muujinayaan abaabul dagaal oo aan si cad loo ogayn halka uu ku jihaysan yahay. Sidaa awgeed waxa la gudboon Xukuumadda Somaliland inay la socoto dhaqdhaqaaqyada iyo abaabulka gulufka colaadeed ee ka jira hareereheeda iyo hubka lagu daabulayo dhinaca maamulka Puntland oo aan si cad loo ogayn ujeedadiisa.
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *