Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland  Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa soo saaray guddi ka kooban shan wasiir oo xal ka gaadha shaqaaqooyin muddooyinkii u danbeeyay soo noqnoqonayay oo ka taagan deegaanka Ceel-bardaale Gudida Uu Madaxweyne Silaanyo magacaabay

 

waxa ka mid ah odayaal iyo madaxdhaqameed ka soo kala jeeda labada deegaan  ee isku haya deegaanka Ceel-Bardaale. Sidaana waxa lagu  faafiyay  war saxaafadeed maanta Aqalka madaxtooyadda kasoo baxay, balse laguma xusin qoraalka tirada iyo magacyada Odayaasha labada dhinac ee ka qaybgelaya xalinta mushkiladaa.
Qoraalka Warsaxaafadeedka  madaxtooyadda ayaa u  qornaa sidan;- “Madaxweynaha JSL Mudane: Axmed  Maxamed  Maxamuud  (Siilaanyo), Ayaa Maanta Magacaabay Guddi uu u xilsaaray Arrinta Ceel-bardaale, Guddidaas oo ka Kooban Shan Wasiir iyo Odayadda Labada  Dhinac ee Ceel-bardaale Isku Haya Ka Soo kala Jeeda.

Madaxweynuhu Waxa uu faray Gudida in ay sida ugu dhakhsaha badan u guddo galaan hawsha uu u xilsaray oo ah inay xaqiiqo rasmiya ka keenaan sida ugu haboon ee Lagu soo Af-jari lahaa Arrinta Halkaa ka Jirta, si dhakhso ahna Xal looga Gaadho.

Guddiguna waxay Balan qaadeen inay Sida ugu Haboon ee ay Xal u arkaan ee ay Arrintaa loo Xilsaaray uga soo tallo bixin lahaayeen ay ku dadaali doonan.”

Wasiiradda Madaxweynuhu u magacaabay Arrintan waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Arrimaha Debeda, Wasiirka Gaashaandhiga, Wasiirka Duuliista Hawada iyo Gaadiidka Cirka iyo Cadaallada.” Ayaa lagu yidhi qoraalka madaxtooyadda.
Mushiladda Deegaanka Ceeel Berdaale oo ku yaala galbeedka Degmadda Gebilay ee Somaliland ayaa mushkilada khilaafkiisu ahaa mid soo jiitamaysay tan iyo sagaashanaadkii, isla markaana marar baddan keentay isku dhacyo iyo gacan ka hadal, iyadoo mushkiladihii u danbeeyay ee ka dhashay oo si weyn loo xusuustaa ahaayeen 2009. Markii dad safar ah oo marayay duleedka deegaanka si xun loo laayay, taas oo si weyn u saamaysay nabadgelyada deegaanka Galbeedka Somaliland ee Gebilay iyo Boorame.   
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist  
Araweelonews Somaliland Office     
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *