Hargeysa (ANN)Xoghayaha guud ee xisbiga UDUB ee doorashadii madaxtooyada lagaga adkaaday Jaamac Yaasiin Faarax (Jaamac Jug Soo dhacay), ayaa  markii ugu horaysay ka hadlay , waxyaabaha uu rumaysan yahay inay sabab u ahaayeen in laga guulaysto doorashadii madaxtooyada Somaliland iyo aragtidiisa dawlada kooban ee laga sugayo madaxweynaha aan weli xilka la wareegin.

 

 

 

 

Jaamac Yaasiin Faarax oo aan saxaafada lagu arag wixii ka danbeeyay maalin ka hor intii aanay natiijada doorashada ku dhawaaqin komishanka qaranku weedho ay isaga iyo xubno kale oo ka tirsan xisbiga UDUB doonayeen in lagu carqaladeeyo natiijada doorashada, balse uu madaxweynaha lagaga guulastay doorashada ee weli xilka sii hayaa beeniyay ayaa  sharaxaad ka bixyay sababaha guuldaradooda iyo arrimo  kale oo ay ka mid tahay naanaysta loo bixiyay xogahaye ahaan ee (Jaamac Jug Soo Dhacay), wuxuuna  waxyaabahaa kaga hadlay waraysi kooban oo uu Wargeyska Geeska Afrika siiyay, kaas oo u dhacay sidan:  

Bal Xoghaye, sideed ayaad u aragtaa xaaladan kala guurka iyo sida ay arrimuhu u socdaan?

Waxaanu xisbi ahaan garanay in aanu midhaha duuduub u liqno iyadda oo dadka iyo dalkuba waxa qaaliga ah ee loo joogaya ay yihiin, qolooyinka soo socda ee xilka lagu wareejinayana anagu afkooda kuma hadli karno laakiin wixii ficil ah ee ay la yimaadaan ayuunbaa lagu xaakimi doonaa waxayna ila tahay, in badan ayay yidhaahddeen waanu loogaynaa, shicibku waxa uu taagan yahay loogow lagaaga fadhiyee, anagu waxaanu filaynaa ama ha joogto qadiyada Somaliland halka ay taagan tahay ee aanu soo gaadhsiinay oo aqoonsigii xubin-baa inaga xigta, intii tacabka ka shishaysayna anaga ayaa soo dhawaynay oo daaqada ayaanu soo saarnay, markaa qolada xisbiga talada la wareegayaa ama waxa uu noqon kii xubintaa yar soo gundhiya ee soo xero galiya ama kii ka baaqda, maadaama oo ay lahaayeen waanu loogaynaa…waanu loogaynaa, anaguse waanu tahniyadaynay ducana waanu raacinay.

Laakiin anagu waanu sheegnay in aanu noqonayno mucaarad nadiif ah oo wax baraarujiya oo wax toosiya oo wax dhisa waxaanan u malaynayaa xisbi ahaan Guddoomiyaha xisbiga ilaa masuuliyiinta ugu hooseeya inuu sidaa noqon doono.

Xoghaye maxaad u malaynaysaa inay sabab u tahay in xisbigii UDUB uu guul-daraysto.?

Horta Qadarka ILAAHAY baa iska leh, laakiin waxaanu isleenahay quwado badan oo waliba xagga dibada u badan oo aan jeclaysan siyaasadii qunyar socodka ahayd ee nabadgalyada ku fadhiday ee xisbigu ku dhaqmayay ee dadka iyo dalkaba ku dhaqayay quwado aan jeclayn ayuunbaa dibada iyo gudaha iska kaashaday oo markaan idinkana idin raaciyay (Warbaahinta) anagana na huguusiyay laakiin wax wayn gocan mayno.

Xoghaye ma isleedahay waxa ka mid ah in KULMIYE guulaysto dadka oo isbadal doonayay.?

Horta isbadalka dadku doonayay ee aad isleedahay way ku heleen waxa la badalayo maan garanin, waayo siyaasad dagan oo awr hayin ah oo biyo madaadsha ah oo la cadeeyay inuu tubta nabadgalyada iyo midnimada wax ku waday, badalka la badalayaa waxa uu noqonayaa taa cakiskeed oo haddii awr layli ah oo hogaanka loo turtay inuu hamahaa badbaadin iyo inuu rarkaa hayn oo aanu ridin si uu noqon doono ILAAHAY baa og, laakiin anagu siyaasad soo jireen ah oo la cadeeyay oo caalamka xorta ahi naga iibsaday oo u bogay ayaanu wax ku soo wadnay, maanta haddii jaanisku noqday in talo caynkaas ahayd oo adduunka oo dhami amaanay la badalo in waxa lagu badalayaa uu yahay wixii ka soo horjeeday ayaanu qabnaa, laakiin kolayba waxa laga yaabaa in sida isbadalku ku yimid aanay ka madhnayn xoogaa tolaayeey yar ah ayaa culayska ugu wayn lahayd ayaan u malaynayaa.

Quwadaha shisheeye ee aad sheegaysaa waa ayo.?

Waxa jira quwada shisheeye oo aan jeclayn madax-banaanida Somaliland oo anaga nagala quustay inay tubta toosan ee gooni isku taaga Somaliland naga leexiyaan, laakiin ay dhici karto oo malaha ka rajo qabaan qolooyinkan na badalay, taana wakhtiga soo socda ayuunbaa ka markhaati kici doona.

In Madaxwaynaha cusub uu xukuumad kooban soo dhiso sideed u aragtaa.?

Horta xukuumad kooban oo tayo leh in badan ayaa la lahaa, nidaamada xukumadaha adduunka lagu dhisaana way badan tahay, tallo wadaag iyo wada tashi siyaasad ku fadhida oo rayiga ugu badan lagu kasbadaa, markaa tiradaa la soo koobay waxaanu aragnaa awoodii oo meel keliya lagu soo ururiyay.

Xaqiiqdiina tirada xagga sare ayuunbaa laga yareeyee xagga hoosta way ka xoogaysan tahay waxaanad moodaa in wasiiradii agaasimayaal lagu badalay, haddaba haddii ay noqdaan dad tayo leh oo xul ah waynu eegi doonaa wixii ay keento, tiradana waxa ka wanaagsan tayada.

Xoghaye adigoo dalka Muddo ka maqnaa ayaad timid, waxaanad noqotay xoghayaha guud ee UDUB, markiibana waxa laguu bixiyay naanaysta ah Jug-soo dhacay, sidaas daraadeed maadaama xisbigiina dhacay, adigana naanayso laguu bixiyay, ma guul ayaad kala tagtay mise guul daro.?

Horta naanaystu way baxdaa oo rag badan oo naanayso leh ayaa jira, waxaan u malaynayaa ninka madaxwawaynaha loo doortayba inuu mid leeyahay, naanaysuhuna si ay u baxaanba way yimaadaan oo way baxaan, anigu sida xaqiiqda ah kama aan xanaaqin markii magacaa la ii bixiyay (Naanaysta) oo markay yidhaahdeen Jug-soo-dhacay, aniguna waxaan idhaahdaa Jug-soo-dhacay oo kugu dhacay, ayaan jawaabta ka dhigaa, markaa kaftan ayuunbay tahay, aniguna nin kaftanka neceb ma ihi. Anigu intii aan meesha joogay waxaan isleeyahay waxbaad baraarujisay shucuur qaranimo ayaad ku halgantay, waxa la arkaa in sidii aan doonayay loo wada dhagaysan oo waa wax dhici kara, laakiin waxaad kordhisay mooyaane waxbaad dhintay isma lihi. Xisbigu markii aan u imid sidii uu ahaa iyo sida uu imika ku dagaal galay waxay ila tahay inay aad u kala sareeyeen.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 

Araweelonews Hargeysa Office                  

E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com/ shalcaw2@hotmail.com

 

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *