images/stories/images.jpg   Hargeysa (ANN) Madaxweynaha  cusub  ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo),oo aan weli la wareegin xilka  ayaa ka hadlay qaraxyadii Axadii lasoo dhaafay ka dhacay dalka Yugandha, kuwaas oo keenay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah. Ka dib markii goobo lagu daawanayay Ciyaaraha koobka Aduunka lala beegsaday qaraxyadaa.

 

 

 

 

 

Mr. Siilaanyo, wuxuu ugu baaqay dalalka ku bohoobay urur goboleedka IGAD inay lagama maarmaan tahay in la muujiyo iskaashi, si looga hortago falalka noocaa ah ee argagixisada, isla markaana loo sugo amaanka mandaqada oo dhan. Madaxweynaha cusubi wuxuu sidaa ku sheegay warsaxaafadeed uu maanta soo saaray, kaas ooo uu ugu horayn tacsi ugu diray dhigiisa Dalka Yugandha, isagoo ka tacsiyadaynaya qaraxyaa oo ay ku dhinteen ilaa inta la ogyahay 70 qof, iyadoo  ay tiro gaadhay, 80 qof ku dhaawacmeen.

  

Wuxuuna qoraalka warsaxaafadeeda Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo   u qornaa sidan;-  “Waxaan aad uga xumaaday falalkii argagixiso ee ka dhacay caasimada dalka Ugaandha ee Kampala, kuwaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac labadaba. Waxaan anigoo ku hadlaya magacayga iyo kan shacabka Somalilanba u dirayaa  tacsi eheladii, qaraabadii iyo dhammaan shacabka reer Ugaandha geerida naxdinta leh ee ku timid shacabkooda. Waxaan cambaareynayaa dadkii ka dambeeyey falal dambiyeedkaa, waxaanan  ku talinayaa in dadkii ku kacay dambiyadani la kor keeno sharciga.

Falalkaa foosha xun oo ay sheegteen Ururka Al-Shabaab ee Somalia waxaa maalintii Axadda ee Bisha July aheyd 11ka sannadka 2010 lala beegsaday laba goobood oo lagu daawanayey ciyaartii kama dambaysta aheyd ee kubbada cagta adduunka ee ay wada ciyaarayeen dalalka Spain iyo Holland; waxaana falalkaa argagixiso ku dhintay in ka badan todobaatan (70) qof iyadoo in ka badan sideetana (80) ay ku dhaawacantay.

Waxaynu ogsoonahay inay aad ugu soo badanayaan dunida maanta gaar ahaan dalalka ku yaala Geeska Afrika falalka is-miidaaminta ee laga fuliyo xafiisyada dawlada, dugsiyada iyo goobaha ay ku badan yihiin dadka rayidka ahi sida goobaha ganacsiga, hoteellada iyo meelaha dadweynuhu ku kulmaan. Somaliland waxay kamid tahay dalalka ay dhibaatadu  kasoo gaadhay falalka argagixiso. Waxaa ka dhacday masiibo aad u ballaadhan magaalo madaxda Somaliland ee Hargeysa bishii Oktoobar 29dii ee sannadkii 2008 kadib markii ay ka dhaceen seddex qarax oo is-dabajooga oo xoogan lana doonayey in lagu burburiyo nabbadda, xassiloonida  iyo dimoqraadiyada koraysa ee Somaliland. Waxaana halkaasi ku naf-waaeyey dad tiradoodu kor u dhaaftay 20 qof, tiro intaa ka badanina ay ku dhaawacantay. Falalka noocaa ah,  waxaa kaloo laga fuliyey dalalka mandiqada ku yaala sida Ethiopia, Kenya iyo Tanzania.

Si hadaba loo ogaado, loogana hortago shirqoolada ay maleegayaan ururada xag-jiraa waxaa lagama maarmaan ah in si wadajira ay isaga kaashadaan wadamada ku bahoobay Ururka Midowga Afrika iyo IGAD dhinaca xuuraanka iyo dabagalka dadka ka dambeeya qorshaha iyo fulinta falalkani halista ah oo maanta cabsi fara badan iyo warwer ku haya shucuubta ku nool Geeska Afrika.

Waxaanu diyaar u nahay haddii aanu nahay Madaxda  iyo shacabweynaha Somaliland inaanu gacan ka geysano wax alla wixii lagu xakamaynayo ama lagaga hortegayo mu’aamaraadka iyo falalka aragagixiso ee la doonayo in laga fuliyo dalalka Geeska Afrika.”

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 

Araweelonews Hargeysa Office                  

E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com/ shalcaw2@hotmail.com

 

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *