Hargeysa (ANN) Caawa caweyskii fiidnimo ayaa laga helay agagaarka saldhiga Bilsyka ee koodbuur oo ku yaal woqooyaga magaalada Hargeysa maydka Nin la garanwaayay. Sidaana waxa u xaqiijiyay shebekada Araweelonews qaar ka mid ah saraakiisha Bilayska.

Ninka maydkiisa laga helay caawa

 

halkaa, waxay saraakiishu sheegeen in loo malaynayo inuu ahaa qof xanuunsanaya, iyadoo ay ciidanka baadhista CID baadhayaan sababta dhimashada maydkaa, balse waxa jira warar kale oo saacado ka dib shebekada wararka ee Araweelonews ka heshay Bilayska oo sheegaya in Maydka Ninkaa la gartay oo ay eheladiisu u yimaadeen

 

 

 

Dhinaca kale Madaxweynaha weli sii haya xilka ee lagaga guulaystay doorashadii Daahir Rayaale Kaahin ayaa tacsi u diray ehelada iyo qoyskii uu ka baxay muwaadin ka yimi dhinaca qurbaha oo xalay saqdii dhexe ay toogasho ku dileen askarta ilaalada madaxtooyada. Ka dib markii gaadhi ay saarnaayeen marxuumka geeriydooday iyo labada qof ee la socday tacshiirad rasaas ah ay ku fureen askartu, taas oo sababtay inuu geeriyoodo muwaadinkaasu, iyadoo labdii la socdayna mid ka mid ahi dhaawacmay. Ka dibna ay askartu xabsiga u taxaabeen.     

Sida ay xaqiijeyeen warar laga soo xigatay ciidanka amaanka Askarta ilaaladu madaxtooyada somaliland ayaa tacshiirad rasaas ah ku furay  gaadhiga ay wateen saddexdaa Nin, kaas oo ku  dhwaaday albaabaka danbe ee madaxtooyda. Waxaana halkaa ku geeriydooday Muwaadinka magaciisu ahaa  Cumar C/risaaq Cigaal, kaas  oo isla xalay  maydkiisa la geeyay abaaro 12kii cusbitaalka guud ee magaalada Hargeisa.

Marxuumka geeriyooday  ayaa sida ay xaqiiiyeen eheladiisu waxa uu ka yimi wadanka Ingiriiska, waxaanu ka mid ahaa qurba jooga wadanka ku yimi fasaxa.waxaana  shilkaa  ku dhaawacmay mid kamid ah laba nin oo la socday.

Ilaa hada lama oga sababta keentay shilkan sababay dhimashada iyo dhaawacaba, hase  yeeshee siday noo xaqiijiyeen dad ka ag dhawaa goobta shilku ka dhacay in marxuumka iyo dadka la socday ay ahaayeen kuwo qariib ah oo aan garanayn wadada ay marayaan , isla markaana laga yaabo inay ku khaldameen jidka xafiiska UDUB iyo xeer ilaalinta u dhaxeeya kaaas oo si toos ah ugu beegan mid kamid ah albaabada danbe ee madaxtooyada.

Sidoo kale labadii nin ee kale ee la socday marxuumka ayay ciidanka boolisku u taxaabeen saldhiga dhexe halkaas oo su’aalo lagu waydiinaayo. Ma jiro wax war rasmi ah oo kasoo baxay booliska oo ku saabsan arintan, hase ahaatee maydka marxuumka ayaa xalay ku baryaya qolka maydka ee cusbitaalka guud.
ciidamada amaanka ayaa xalay galay heegan culus, iyadoo gaadiidka aad loo hubinayo, mana aha markii ugu horaysay ee sidan oo kale ay ciidanka amaanku tacshiirad rasaas miidaamo ah ku furaan gaadhi, balse waxa sidan oo kale dhacay falal ay ciidanka ilaalada madaxtooyadu isaga furan tacshiirado ay ku naf waayaan muwaadiniin aan waxba galabsani.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 

Araweelonews Hargeysa Office                  

E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com/ shalcaw2@hotmail.com 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *