Hargeysa(ANN)Saddexda xisbi qaran  ee Somaliland KULMIYE, UDUB iyo UCID ayaa mar kale aragtiyo  kala duwan ka muujiyay  hindise dad badani ka hadlaan oo la xidhiidha in la fasaxo furashada ururada siyaasada, iyadoo uu  Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo ) uu

balan qaaday mar hore xiligii lagu jiray olalihii doorashada madaxtooyada ee 26-kii Bishii June ee sannadkii hore ka dhacday Somaliland.
Guddoomiye ku xigeenka labaad  ee xibi xaakimka  KULMIYE Mudane. Cabdiraxmaan Talyaanle oo ka hadlay mowqifka xisbigooda ee la xidhiidha furashada ururada siyaasada wuxuu yidhi “Xisbiga KULMIYE siyaasadiisu way qeexan tahay, waana kii aanu olalihii doorashada ku soo galay ee aanu ummadda ku hananay ee nalagu doortay, taasi oo ah in la furo ururadda siyaasiga ah loona baratamo si saddex xisbi qaran u soo hadhaan. Anagoo siyaasadaasi fulinayna anagoo mindida deebkeeda hayna oo tallada dalka hayna sidii uu madaxweynaha JSL Mudane. Axmed Siilaanyo uu sheegay waxa soo baxay dhibaatooyin hor leh oo abaaro iyo colaado leh oo u baahan in laga wada arrinsado. Anagoo jecel qof kasta oo muwaaadin ahi uu  xaqiisa helo haddii uu is sharaxayo iyo haddii uu cid dooranayba saddexda xisbi qarana ka mid ah go’aankii aanu doorashada ku soo galay wax iska kaaya bedelay ma jirto.”

“Ummaddi waxay qaran ku tahay inay xuduudooda sugto, waxaan jecelahay marka hore in aynu xuduudeena sugno marka aynu arrintaasi ka soo noqono in ururada la furo, aniga deegaanka la iga soo doortay calan Somaliland ahiba kama taagna, haddana, waxaan ahay  muwaadinka keliya ee beeshayda baratan  doorasho lagu soo doortay wakiilada ee aan la magacaabin gobolka  Sanaag ayaa la iga soo doortay. Maamulka dawladnimo  Koonfurta iyo bariga gobolka Sanaag muu gaadhin, oo muu dhaafin Ceerigaabo umana  arko in dadkaasi ay diidan yiiin Somaliland, xukuumadii hore way ka gaabisay inay maamulka fidiso oo inta dadku doorasho ka qayb gashay  way yar tahay, anagu waxaanu xisbi ahaan soo dhawaynaynaa geedi socodka dimuqraadiyadda,” ayuu yidhi Mudane Cabdiraxmaan Talyanle, oo  caawa  ka hadlayay barnaamij TV-ga qaranka laga baahiyay oo sadexda xisbi qaran mid walba  gooni loo weydiiyay aragtidiisa la  xidhiidha furashada ururada siyaasada.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo isaguna ka hadlay arrintaasi wuxuu yidhi “Dastuur ayaynu leenahay waana in la ixtiraamaa, isla markaana ummadda badankeedu waxay rabtana waa in  la ixtiraamaa in dad loo daneeyana ma aha. Anigu waxaan qabaa siduu madaxweynuhu yidhi Guddi Qaran ayaa loo saarayaa, haddii arrintani distuuri tahayna way soo sheegi haddii kalena haddii qaranka ay dan u tahayna way ka soo  tallin oo wixii sharci ah ayay ku talaabsan doonaa.”
Guddoomiye ku xigeenka xisbiga UDUB Mudane. Axmed Yuusuf Yaaasiin oo  isaguna ka hadlay mowqifkooda ku wajahan arrintan wuxuu yidhi “Arrintan furashada ururada siyaasadu waa wax soo jiitamayay muddo,  waa wax  xataa laga doodi jiray xilligii laga guuraayay axdi qarameedkii, waxaan filayaa Guddida  loo  saari doonaa ay ka fikiri doonaan dan qaran ee aanay ka fikiri doonin dan shakhsi, dad dibeda ka yimid iyo hay’ado arrintan dabada ka wadaaba, waa inaynu ka fikirnaa dalkeena maxaa u dan ah.”
Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin oo la weydiiyay mowqifkiisa shakhsiga ah ee la xidhiidha furashada ururada siyaasadda wuxuu yidhi “Aniga oo mucaarid ah maanta waxa ii haboonayd in aan idhaahdo  hala furo sidii KULMIYE oo dhan markii uu mucaaridka ahaa, waxaan ka fikirayaa halkii aan taagnaa 2007-kii aan taagnaa ee aan lahaa yaan la furin maanta mindida daabkeeda waxa haya madaxweynaha haddii ay ku burburayso iyo haddii ay ku hagaagaysaba.”

Sidoo kale Guddoomiyihii  Olalaha Doorashada Madaxtooyada ee Xisbiga KULMIYE u qaabilsanaa gobolada galbeedka Mudane Baashe Cabdi Gaboobe, ayaa isaguna tilmaamay inuu soo dhaweyno furashada ururada siyaasada
“Waxa la taagan yahay xilligii ku haboonaa waayo doorashada soo socotaa waa tii Goleyaasha Deegaanka Waa in la furaa ururada siyaasada madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland wuxuu  balan qaaday, wixii ugu weynaa ee nalagu  doortay waxay ahayd furashada ururada  siyaasada,” ayuu yidhi Mudane Baashe Cabdi Gaboobe.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail.info@araweelonews.com
Source ; Somaliland.org

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *