Hargeysa(ANN)Golaha Wakiilada Somaliland ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyay odoroska Miisaaniyad sannadeedka qaranka ee xukuumadda dhexe  usoo gudbisay dhowaan, taas oo dhan 527,720.451,857 sl sh, isla markaana ka baddan  70%  tii sannadkii hore ee 2010.waxayna

u dhigantaa Boqol Milyan oo Dollar.

Fadhigii Golaha Wakiilada ee maanta oo uu gudoominayay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md. C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (C/Raxmaan Cirro) waxa  madasha fadhiyay 57 Mudane waxa ogolaaday miisaaniyadan 50 Xildhibaan, waxa ka aamusay 6 Mudane, Guddoomiyuhu muu codayn may jirin cid diiday iyo cid ka aamustay toona.
Miisaaniyadani waa tii ugu badnayd ee Somaliland samaysto labaatankii sanadood ee ay ahayd qaranka madaxa banaan, waxaana ku jira Mushahar kordhin 100% ah oo loo sameeyay ciidamada qalabka sida iyo shaqaalaha dawlada.

Golaha Wakiilada Somaliland ayaa labadii todobaad ee la soo dhaafay  miisaaniyada ka yeeshay dood ay ku falan qeeyeen. Waxaana miisaaniyada ay meel mariyeen ku lifaaqeen qoraal ay wasaaradda Maaliyada kaga dalbadeen inay ku darto miisaaniyadan kharashkii lagu qaban lahaa doorashada Goleyaasha deegaanka oo muddo dhaafay oo lagu wado inay ka qabsoonto dalka sannadkan gudihiisa.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail.info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *