Hargeysa(ANN)Koox ka mid ah Somaliland ayaa maanta magaalada Hargeysa ka soo saaray baaq culus oo nabadeed oo ay u jeediyeen waxgaradka iyo odayaasha deegaanka Buuhoodle. Cullimaddaa oo tiradoodu tahay

33, isla markaana  ka mid ah cullimada ugu caansan Somaliland waxay u mahad celiyeen Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo ay ku bogaadiyeen inuu fududeeyay oo uu ka shaqeeyay sidii nabad loo heli lahaa. Sidoo kale  waxay baaqooda ku sheegeen in aanay waxba ka jirin wararka sheegayay inaan la aasin qaar ka mid ah barkadihii xukuumadda Somaliland dhawaan aastay, waxaanay tilmaameen in barkadahaasi la aasay iyagoo soo jeediyay inaan la dhegaysan wararka ay faafinayaan dadka collaada wada.
Warsaxaafadeedka culimadu maanta soo saaren wuxuu u dhignaa sidan:-
“Mahad oo dhan Alle (swt), ayaa iska leh, nabadgelyo iyo naxariisna ha noqoto Nebigeena (scws) korkiisa, ehelkiisa, asxaabtiisa iyo inta jidkiisa raacada ilaa Qiyaamaha.
Haddaanu nahay culimada hoos ku magacaaban waxaan ugu horrayntii Allaah (swt) uga mahad celinaynaa inuu inaga damiyey dabkii colaadeed iyo dagaaladdii ka dhacay dhawaan aagga Kalshaale.
Ka dibna waxaanu u mahad celinayna madaxweynaha Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Maxamuud  oo naga aqbalay tallooyinkii nabad raadinta ee aanu u soo jeedinay. Madaxweynuhu si uu u baajiyo dhiig dambe oo daata wuxuu qaatay go’aamo degdeg ah oo geesinimo leh, waxaana ka mid ahaa:
•    Isagoo ku baaqay inuu ka xun yahay dagaalada dhacay. Diyaarna u yahay xal nabadeed oo aan shuruud lahayn.
•    Isagoo hirgeliyay go’aankiisii ahaa in la aaso baraagaha  fitnadu ka bilaabmatay,
•    Isagoo sii daayay maxaabiistii reer Buuhoodle ee dagaalka lagu soo qabtay.
•    Isagoo dib uga soo qaaday ciidanka Somaliland meelihii ay qabsadeen ee Meygaagle iyo Hagoogane.
Waxaanu kale oo mahad  u celinaynaa culimada, salaadiinta, garaadyada, oday beeleedka reer Buuhoodle, Laascaanood, Gaalkacayo iyo Garoowe ee iyaguna nagala shaqaynaayay habeen iyo maalin siddii dagaalka loo joojin lahaa oo xal nabadeed loo heli lahaa.
Sidoo kale salaadiinta, ganacsatada iyo waxgaradka Somaliland oo iyaguna door qiimo leh ka qaatay nabad raadinta.
Waxaa amaan mudan beesha Solomadow ee oggolaatay in la aaso baraagaha.
Waxaanu reer Buuhoodle u sheegaynaa in saddexdii berkadoodba la wada aasay. Waxba kama jiraan warka ay sheegeen qaar ka mid ah dadka fitnada, isku dirka iyo dagaalka oo socda  uu dantooda yahay ee aan nabad rabin.
Ugu dambaystii, waxaanu u soo jeedinaynaa dawladda Somaliland iyo cid kasta oo ay arrintani khusayso in laga faa’iidaysto dabaysha nabadda ee hadda socota. Si degdeg ahna loo bilaabo wada hadal nabadeed iyo siddii loo heshiisiin lahaa labada beeleoo ee arrinta  Kalshaale ka bilaabmatay.
Culimada soo saartay baaqa nabadda
1)       Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir
2)       Sh. Cusmaan Cali Xuseen
3)       Sh. Maxamed Cali Jaamac
4)       Sh. Yuusuf Aadan Maxamed
5)       Sh. C/raxmaan Aw Axmed Muxumed
6)       Sh. Cawil Faatax Shire.
7)       Sh. C/laahi Cabdi Cali (Makaawi)
8)       Sh Maxamed Aadan Muxumed
9)       Sh. Ismaaciil Cabdi Hure
10)   Sh. Maxamed Cali Geedi
11)   Sh. Ciise Maxamuud Cabdilaahi
12)   Sh. Cabdillaahi Cabdi Cali
13)   Sh. Maxamed Macallin Carab
14)   Sh. Maxamed Axmed Faarax (Food)
15)   Sh. Cabdiqani Xuseen Maxamed
16)   Sh. Maxamed Ibraahim Jaamac
17)   Sh. Cali Warsame
18)   Sh. Cabdilaahi Baashe
19)   Sh. Yuusuf Cabdi Cawad
20)   Sh. Faysal Cali Faarax
21)   Sh. Maxamed Shukri
22)   Sh. Cabdiqani Aw Saalax
23)   Sh. Cismaan Ibraahim Faarax
24)   Sh. Iimaan Maxamuud Diiriye
25)   Sh. Mustafe Aadan Maxamed
26)   Sh. Cawil Yuusuf Dhiif.
27)   Sh. Cabdilahi Sh. Cali Jawhar.
28)   Sh. Maxamed Daahir Dhawal
29)   Sh. Cali Aadan (Cali DHeere)
30)   Sh. Xasan  Daaheeye
31)   Sh. Cumar Cabdilaahi Xasan (Cumar Gurey)
32)   Sh. Xasan Khayre Dirir
33)   Sh. Maxamed Muxumed Warsame (Dhurde).
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *