Hargeysa (ANN) Labada Xisbi mucaarid ee UDUB iyo UCID ayaa gaashaanka ku dhiftay muddo kordhinta ay maanta golaha guurtidu u sameeyeen Golaha wakiilada, Golayaasha Deegaanka dalka iyo golohooda guurtida.  Afhayeenka Xisbiga UCID Xasan Xuseen Cod-yare ayaa ku tilmaamay muddo kordhinta Golaha Guurtida mid Xisbi ahaan lagu khiyameeyey,

isla markaana ay ka tashanayaan, waxaanu yidhi“Muddo Kordhinta Golayaasha Barlamaanka Somaliland (Guurtida iyo Wakiillada) iyo Golaha Deegaanku maaha arrin la filayey, waa arrin nalagu khiyaameeyey, oo nin xafiis fadhiya oo yidhaahda aniga ayaa isku kordhiyey,  waa fool-xumo oo wax la arkay maaha maamul ahaan  iyo sharci ahaanba inuu yidhaahdo anigaa isu kordhiyey maaha, doorashadii mar haddii ay raagtay, tallo qaran ayaanu ku jirnay sadexdayada Xisbi qaran (UCID, UDUB iyo KULMIYE) iyo komiishanka ayaa naloo xil-saarnay,  waanu aragnay inaan qabasahda doorasho laga gaadhsiin karayn, laakiin mudada la kordhinayo waxaan doonayey inay noqoto sanad”
 
“Wax caqliga gala maaha sadexda sanadood iyo sideeda bilood ee ay Guurtidu isku kordhisay , iyo muddo kordhinta Golaha Wakiillada ee labada sanadood iyo sideeda bilood iyo Muddo Kordhinta Golaha Deegaanka ee sanadka iyo badhka ah. Anagu  waxaanu rabnay  in aanu  mid kawada dhigno qabashadooda doorashada Baarlamaanka Somaliland iyo Golayaasha Deegaanka ileyn  wadanku doorasho uun kuma jirayee,” ayuu yidhi Afhayeenka xisbiga mucaaridka ee UCID, isagoo  sheegay inay  qurux badnayd in sadexda doorasho la kala qaadqaado, balse ay ahayd in hal mar lawada qabto. 
 Mar uu ka hadlayay aragtidooda furashada Ururada siyaasadeed wuxuu yidhi, “Xisbiyada furashadooda dib ayaanu u dhignay, labada doorasho (Wakiiladana Iyo Golyaasha Deegaanka) lama qaban karo ayaanu nidhi, waayo dalka deegaanka iyo xaaladaha nagu wada xeeran ayaa khariban,”
 
Afhayeenka Xisbiga UCID waxa uu ku eedeyey Xukuummada inay la heshiisay Baarlamaankii (Guurtida iyo Wakiillada),  wuxuuna isagoo  arrintaa ka hadlaya yidhi, “Waxaan lahayn bal wexeenii hore aynu saxano oo ummad la doortay xafiisyada ha timaado, Imika waxa heshiiyey maamulki (Xukuumadii) iyo Baarlamaankii (Guurtida iyo Wakiillada).  Annagu xisbi ahaan  arrintan la sameeyey ma yeelayno oo waanu ka hor imanaynaa, waanu diidanahay korodhsiimada dheer ee aan cilmiga ku fadhiyin iyo doorashooyinkan la kala qaadqaaday, wadanku ma doorasho ayuun buu  ku jirayaa cid waliba way xiiqayaan oo komiishanka ayaa xiiqay, oo Xisbiyada ayaa xiiqay oo horumarkii ayaa dhaawacmaya”
 
“Guurtidan la leeyahay way isku kordhiyeen ma noqonayso markii horeba sharci may ahayn, Markaa ninkii berigii hore lahaa waa xaaran inuu maanta ogolaado waa khalad” ayuu yidhi Mr. Xuseen Codyare, wuxuuna xusay inay Xisbi ahaan talo isaga imanayaan muddo kordhintaa, “Xisbigii (KULMIYE) oo shalay xaarantimaynayey inuu maanta taladayadii ka hoos baxo oo uu Guurtidii yidhaahdo isu kordhiya, oo aan wada yeesho Baarlamaankii (Guurtda iyo Wakiillada), kolay talo ayaanu Xisbi ahaan ka  gelaynaa oo go,aan ayaanu kasoo saaraynaa”.
Dhinaca kale Gudoomiye xigeenka xisbiga mucaaridka ee UDUB Axmed Yuusuf Yaasiin  ayaa mudo kordhintaa ku tilmaamay mid lagu gawracay taladii loo baahnaa in laysaga yimaado, wuxuuna sidaa ku sheegay mar uu maanta  ka hadlayay idaacada BBC laanteeda Afka Soomaaliga, wuxuuna  isagoo  arrintaa ka hadlaya yidhi, “Sadexda Xisbi qaran iyo komiishanka doorashooyinka ayaa u balansanaa in 15 Septem 2010 ay isugu yimaadaan kulan ay kaga arrinsanayaan mudda kordhinta Baarlamaanka iyo Golayaasha Deegaanka, Hasayeeshe mudda kordhintani ma noqonayso mid la aqbali karo.”
 By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *