images/stories/11340.jpg  Hargeysa(ANN) Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland ayaa maanta Cod Aqlabiyada ah ku meel Mariyay Muddo kordhin loo sameeyay golayaasha Wakiilada, Deegaanka iyo golohooda Guurtida, kuwaas oo mudooyin kala duwan loogu daray muadad xilkooda.

Fadhigii Maanta oo ay ka soo Xaadireen 68 mudane oo uu Gudoominayay gudoomiye ku Xigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada ahna ku simaha Gudoomiyaha Golaha Mudane Sheekh Axmed Nuux Furre ayaa isagu mudanayaasha ku wargeliyey in sida distuurka JSL u ogalaanayo Golahan inuu u kordhin karo mudo xileedka Goleyaasha qaranka oo dhan marka uu dhammaado ee doorashana la gali kari waayo sababo sharciyeysan. Isla markaana uu Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud [Siilaanyo] uu dhawaan ka soo dalbaday in loo kordhiyo mudo xileedka sii dhammaanaya Golayaasha Wakiilada iyo Deegaanka, sidaas awgeed-na loo baahan yahay in maanta loo kordhiyo mudo macquul ah Golayaasha Wakiilada iyo Deegaanka oo iyagu wakhtigoodii sii dhammaaday.

Shirgudoonka golaha ayaa Ka dalbaday in Cod fartaag ah lagu ansixiyo ama lagu joojiyo Muddo kordhinta Golaha Wakiilada oo ah laba sanno iyo sideed Bilood, waxaa ogolaaday 65 mudane, waxaa diiday laba Mudane, Gudoomiyuhuna muu Codayn, iyadoo sidoo kalena  Golaha Deegaanka loo kordhiyay Muddo Sanad iyo Badh ah, Guurtiduna isku kordhisay seddex Sanno iyo Sideed Bilood.
Mudanayaasha ayaa ugu Baaqay Xukuumad Cusub inay sanad gudihii ku qabato Doorashada Golaha Deegaanka lana diyaariyo Wixii ay ku Qabsoomi lahayd doorashadu.

Mudo kordhintan ayaa ahayd mid la wada filayey hase yeeshee aad uga badan intii la filayey, mudo kordhintan ayaa ku dhamaatay si nabadgelyo ah aan wax buuq ahi ka dhalan.

Xisbiga Mucaaridka ah ee UDUB ayaa isagu markiiba ka hadlay, kuna tilmaamay xadgudub lagu sameeyay hanaankii wada tashi ee xisbiyada qaranka u dhexeyay. Ku simaha gudoomiyaha xisbiga UDUB Axmed Yusuf Yasin ayaa sheegay in arinkan mudo kordhinta golayaasha loo balansanaa 15ka September 2010 in ay iskaga yimaadaan sedexda xisbi iyo gudida dooroshooyinka. Waxaanu yidhi Madaxweyne Siilaanyo wuxuu gawracay taladii la iskaga iman lahaa. Waxaanu sheegay gudoomiye ku xigeenka UDUB in mudo kordhintani tahay mid aan la aqbali Karin haba yaraatee.

Xisbiga UCID ayaan isagu ilaa hada ka hadlin mudo kordhinta maanta loo sameeyay golayaashii qaranka. Waxaana la filayaa inuu UCID si weyn u qaadaco  mudo kordhinta oo uu hore gudoomiyahoodu  uga sii digay in aan mudo kordhin la samyn inta ay xisbiyadu ka wada tashanayaan wixii laga yeelilahaa arrimaha doorashooyinka.
Talaabada golaha guurtidu qaaday ayaa u muuqata mid ay ku deg degeen, iyadoo aanay mawduuca mudo kordhinta golayaasha wax dood ah ka gelin, taas oo rayalcaamka bulshadu aanay soo dhowayn mudooyinka kala duwan ee mudo kordhinta golaha  guurtidu hormoodka ka yahay oo aan waxba ka duwanayn mudooyinkii hore loogu bartay xiligii xukuumada Rayaale, waxayna talaabada degdega ah ee ay qaateen meesha ka saartay mudo kooban oo laga sugayay in lagu daro mudada xilka golaha wakiilada oo dhamaanay iyo guurtida oo iyana mudo koobani u hadhay. Sidoo kalena golayaasha deegaanka dalka oo dadka khaatiyaan ka taagnaayeen sanadii u danbeeyay ayaa iyaguna ku fadhiyay sharci daro.
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *