Hargeysa(ANN) Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Wershedaha iyo Dalxiiska Somaliland C/Risaaq Khaliif Axmed, ayaa markii u horaysay ka hadlay qorshaha xukuumadooda ee ku aadan heshiiska shirkada Kootadda ku haysata soo dejinta shiidaalka eeTOTAL, isagoo   ku tilmaamay  shirkadaa mid sifo sharci darro ah dalka kaga shaqaysa.

Sidoo kalena  wuxuu si kulul u naqdiyay heshiiskii ay kula jirtay Xukuumaddihii  hore oo uu ku sifeeyay mid waxba kama jiraan ah, maadaama aan la waafajin qaanuunka iyo shuruucda dalka.
 
Mr. Khaliif wuxuu sidaa  ka sheegay maanta isagoo socdaal booqasho ah ku jooga magaalada Xeebta ku taalla ee Berbera, waxaanu sheegay inay xukuumadda cusubi wax weyn ka bedelayso heshiiskii ay hore u wada galeen xukuumadihii hore ee Cigaal,   Rayaale iyo Shirkada shisheeye ee TOTAL, siagoo  carabka ku dhiftay  inay xakuumad ahaan  natiijada arrintaa soo saari doonaan maalmaha fooda inagu soo haya.
 
Md. C/Risaaq Khaliif Axmed, waxa kale oo uu maanta booqday dhismihii hore ee Warshadii Sibidhka Berbera, oo xukuumaddii hore ka baaqsatay inay dhisto ka dib markii ay dhicisoobeen heshiisyo la doonayay in dib loogu dhiso wershedaa, kuwaas oo ay inta badan sheegi  jireen kooxdii rayaale inay  la galeen  maal qabeeno shisheeye oo ay ugu danbeeyeen shirkad  ay ku sheegeen waqtigaa oo ku beegnaa sanadkii 2006-dii  inay tahay Jarmal,  “Wax qorshe ah,  ama heshiis ah oo wersheda Sibidhka Berbera lagu kicinayo oo aan xafiiska ugu imi ma jirto, hase yeeshee waxaan jecelahay in Ganacsatada Somaliland ay maal gashadaan oo ay hirgeliyaan wershedaa,  waxaanu maal gashadeyaasha shisheeye xukuumad ahaan ka door bidaynaa in Maal gashadeyaal wadani ah loo helo wershedda sibidhka ee Berbera.”Ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda  Ganacsiga iyo Wersheduhu.
 
Mr. Khaliif ayaa  socdaalkiisa ku sheegay inuu salka ku hayo xog ogaal u noqoshada xaalada ganacsiga dalka iyo arrimaha la xidhiidha ee magaalada Berbera, wuxuuna  warbixin la xidhiidha dhaqdhaqaaqa iyo xaalada ganacsiga marsadda Berbera ka dhagaystay maamuleyaasha Dekeda.
 
Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa xiligii olalaha doorashada Madaxtooyada balan qaaday  inay meesha ka saarayaan  gebei ahaanba heshiisyada kootada ay shirkada TOTAL ku haysato inay kaligeed shiidaalka ka soo waarido dalka dibadiisa, isla markaana ay xukuumadiisu heshiisyada  sidan oo kale ah waafajinay qaanuunka iyo shuruucda dalka oo ay u gudbinayso golaha wakiilada.  Shirkada TOTAL ayaa heshiis la gashay xukuumadii Madaxweyne Cigaal, kaas oo xiligaa abuuray muran iyo buuq siyaasadeed, iyadoo si weyn loogu dhaleeceeyay xukuumadii waqtigaa, taas oo ay sidaa ku dhaxashay heshiiskii hore xukuumadii Rayaale, iyadoo aan weli  heshiiskaa  laga xalaalayn Golaha Wakiilada Somaliland.
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *