Hargeysa(ANN)Masuuliyiinta ugu saraysa Xisbiga UDUB ayaa ku canbaareeyay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo inay u adeegsatay gudida diiwaangelinta Ururada si looga saaro saaxada Xisbigooda oo si rasmi ah u baabi’isay isla markaana ujeedada ay sidaa  u yeeshay

 

ku tilmaamay ugu wacan tahay inay doonayso Somaliland inay bur -buriso.

Masuuliyiinta UDUB oo shir Jaraa’id maanta ku qabtay xaruntooda magaalada Hargeysa, waxa kaloo ay qireen inay ka hadheen tartanka doorashooyinka golayaasha deegaanka oo sidaa ku waayeen xuquuqdoodii xisbino. Cali Maxamed Waracncade iyo Axmed X Daahir oo ahaa xubnaha Gudoomiyihii UDUB dhowaan sheegay inay u sharaxan yihiin xisbigaa marka la gaadho doorashada Madaxtooyada, ayaa warbaahinta la hadlay waxayna iyadoo ay weheliyaan xubno kale kulankaa  ay saxaafadda u qabteen ku sheegeen in Xukuumaddu ay  u joojin wayday,  isla markaana ay samaysay tab iyo xeelad kasta oo ay ku fulisay  Burburinta Xisbigaa.
Sidoo kale waxa ku eedeeyeen xukuumadda  inay u adeegsatay Guddida Diiwaangelinta iyo Komishanka Doorashooyinka oo ay sheegeen inay isku bahaysteen iyagoo ku dooday inay dhamaantood hay’adahaasi  u adeegaan Madaxtooyadda, waxaanay xuseen talaabooyinkaasi oo dhan markii ay qiimeeyeen Madaxweyne Siilaanyana Codsigoodii dhagaha ka furaystay inay go’aansadeen si rasmi ah inay uga hadhaan Tartankii Doorashada Golayaasha deegaanka.

Masuuliyiinta UDUB waxa ay baaq iyo Dacwad ku lidi ah bur-burka xisbigooda  lagu sameeyay u direen Qaadhaan bixiyayaasha Doorashada iyagoo xusay inay u hawl geli doonaan sidii ay xuquuqda ay leeyihiin u raadsan lahaayeen, balse waxay tilmaameen inaanay marnaba wax hagar daamo ku noqda Qaranka aanay ku talaabsanayn.
Dhawaaqa kooxdan oo ka mid ah garab yar oo kasii taagnaa xisbiga UDUB, ayaa kusoo beegmay kadib markii dalab ay kaga dalbadeen gudida doorashooyinka in mudo loogu daro xiligga uu xidhmayo liiska musharixiinta si ay usoo dhamaystiraan musharaxiinta golayaasha deegaanka ee dalka, balse laga diiday, taas oo isa sii kaba raacisay gebi ahaanba inuu si toos ah uga boxo saaxada UDUB oo ahaa xisbul xaakimkii sideed sanadood iyo dheeraad hayay talada iyo awooda xukunka Somaliland.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *