e0aa869bdb6008191b0f6a706700fe4b-2.jpgQahira(ANN) Kumanaan dadweynaha Masar ayaa Rabshado ka sameeyay  banaanka hore ee safaaradda Mareykanka ee magaalada Qaahira,  ciidanka booliiska iyo dad badan oo ka mudaharaadaya filim la sheegay in lagu aflagaadeynayo sharafta iyo karaamada Islaamka, isla markaana wax lagaga

 

sheegayo Nebi Maxamed SCW, ayaa sababay inay rabshado ka bilaabmaan dalka Masar, iyadoo dadweyne cadhaysani doonayaan inay xoog ku galaan safaarada Maraykanka ee Qaahira, taas oo sababtay inay ciidamada Boolisku caabiyaan dadkaa, iyagoo adeegsanaya sunta dadka kaga ilmaysiisa.

ilaa hada lama oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay rabshadahaa, balse Telefishinka Masar ayaa soo saaray sawirro muujinaya baabuur booliisku leeyahay  oo gubanaya iyo dad ka cararaya. kadib markii  sunta dadka ilmada ka keenta loo adeegsaday.

Sidoo kale Magaalada caasimadda u ah dalka Tunisia ayaa iyana dad mudaharaadaya waxa ay xoog ku galeen safaaradda Mareykanka, kaddib dhawr saacadood oo banaanbax nabadeed uu ka dhacayay albaabka hore ee safaaradda., lamana oga ilaa hada khasaaraha ka dhashay rabshadahaa oo weli socda. Sidoo kumanaan dadka Yamen ah  ayaa weerar sidan oo kale ah ku qaaday Safaarada Maraykanka ee Sanca, waxaana fooda is daray ciidamada amaanka iyo dadka gedoodsan, wararka qaar  ayaa sheegaya inuu jiro khasaare ka dhashay rabshadahaa oo sababay dhimasho iyo dhaawac, iyadoo ay ciidanku ku guulaysteen inay dadkaa cadhaysan ku hor istaagaan barxada hore ee dhismaha Safaarada oo ay dab qabadsiiyeen, kuwaas oo ugu yaraan uu ku dhintay qof ka tirsan safaarada Yamen ee Sanca.
Dhinaca kale rabshadaha oo weli ka socda wadamada Carabta  ayaa cabsi geliyay dadka reer galbeedka, gaar ahaan dadka u dhashay Maraykanka oo looga digay inay u safraan wadamada Carabta iyo dunida Islaamka. sidoo kale  rabshadaha ayaa cabsi geliyay ciidamada NATO ee ku sugan Afghanistaan, waxayna NATO   digniin siisay ciidankeeda ka jooga Afghanistan, iyadoo  laga cabsi qabo in rabshado ay ka dhacaan.
Rabshadaha ayaa sii xoogaystay kadib markii laba maalmood ka hor Dalka Libya lagu dilay Safiirkii Maraykanka u fadhiyay dalkaa iyo laba Dublamaasi, waxayna Maraykanku dalkaa usoo direen

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *