Benghazi (ANN)Safiirkii Mareykanka ee magaalada Tripoli, John Christopher Stevens iyo laba Dublamaasi oo u dhashay dalkaa ayaa  lagu dilay weerar xalay lagu qaaday qunsuliyadda Mareykanka uu ku leeyahay magaalada Benghazi ee dalka Libya.Sarkaalka Libya waxa uu sheegay in Safiirku u

 

dhintay markii hawada ama neefta lagu celiyay.
Balse warar kale ayaa sheegaya in Safiirka iyo Dublamaasiyiinta Maraykanka ay ku nafwaayeen kadib markii ay dhismaha safaarada weerar ku qaadeen dad cadhaysan, isla markaana dab qabadsiiyeen dhismahaa Qunsuliyadda Mareykanka ee Benghazi, kuwaas  qaarkood  ahaayeen  rag hubeysan  oo weerarkaa ku fuliyay  qoryo baasuukayaal ah, kuwaas oo daqiiqado gudahood  kula wereegay  Qunsuliyadda ay Maraykanku ku lahaayeen dalka Liibiya kadibna kadibna halkaas ku dilay Safiirkii Maraykanka u fadhiyey dalka Liibiya iyo laba Dublamaasi oo ka tirsanaa safaarada.

Weerarkaa ayaa kusoo beegmay xili Shucuubta Muslimiinta ah oo dhan ay dareen cadholeh ka muujinayaan Filim loo arko inuu gef ku yahay shucuubta Islaamka oo lagu dacaayadaynayo Nebi Maxamed SCW.  Iyadoo Filimkaas oo la doonayo in lagu soo bandhigo Dalka Maraykanka loo arkay inuu yahay mid si badheedh ah xadgudub  lagula kacayo sharafta iyo cirdiga Nabigeena Muxameed SCW.
Filimkan ayaa waxaa soo saaray nin asal ahaan kasoo jeeda Yahuudda ,  waxana uu sheegay mar uu shalay la hadlayey warbaahinta isagoo qariyay  oo aan  sheegin halka uu ku sugan yahay in islaamku uu yahay “Kansar’ dilaa ah, waxana uu sheegay in u jeedada uu filimkaa u sameeyey ay tahay in uu ku caawinayo Diinta Yahuudda iyo Shacabka reer Israa’iil.

Sidoo kale weerarkaan ayaa kusoo beegmay maalin ka dib Fariin ka timi Hogaamiyaha Shebekada Al-qaida  Dr Ayman Al Dawaahiri oo  ugu baaqay Shacabka reer Liibiya in ay u aargudaan Sh Abu Yaxya Al Liibi oo ay Maraykanku bilo ka hor weerar duqayn dhinaca cirka ah ku dileen Dalka afgaanistaan.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *